By: Mastar //  Aug 06 2012 at 1:24 am //  1,182 Reads  // Wararka Somalia

Kororso Aqoontaada Su’aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Waa barnaamij weydiin iyo war-celin ah, amaba Su’aalo iyo Jawaabo ah, oo aanu soo daabici doono inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, haddii uu Alle raali ka noqdo.

1-Su’aal Sheeg Asxaabigii dhashay aabihiis oo 12 jir ah?
1-Jawab: Wuxu ahaa C/laahi Bin Cumar Bin Caas Rc.

2-Su’aal Sheeg todobadii Asxaabi ee axaadiista ugu badan ka wariyeen Rasuul-ka (NNKH)?
2-Jawab: Waxay kala yihiin 1-Abuu hureyra Rc, 2-Caa’isha Bintu Abii-bakar Rc, 3-C/laahi Bin Cabaas, 4-C/laahi Bin Cumar, 5-Jaabir Bin C/laahi, 6-Aanis Bin Maalik, 7-Sacad Bin Malik,

3-Su’aal Sheeg imisa jeer ayuu Nebiga (NNKH) Cumreestay?
3-Jawab: Wuxu Cumreestay 4 Jeer.

4-Su’aal Sheeg xiligii la-aas aasay Magalaada Kuufa?
4-Jawab: Jawab waxa la-aas aasay xiligii Cumar Bin Khadaab Rc.

5-Su’aal Sheeg yaa aas-aasay Magalaada Kuufa?
5-Jawab: Waxaa aas-aasay Sacad Bin Abii Waqaas.

6-Su’aal Sheeg goorma ayuu dhacay dagaalkii Qaadisiya?
6-Jawab: Wuxu dhacay Sanadkii 14- aad ee Hijriyada.

7-Su’aal Sheeg sanadkii soomaaliya lagu qabtay shirkii Midowga Afrika?
7-Jawab: Waxa lagu qabtay sanadkii 1971-dii

8-Su’aal Sheeg dalalkii ku buuxiyey Xisaabta Eber (0) ?
8-Jawab: Waa Masar iyo Mesopotomia.

9-Su’aal Sheeg xagee bey u martaa cuntada cunuga marka uu ku jiro caloosha hooyadiis?
9-Jawab: Waxay u martaa Xudunta.

10-Su’aal Sheeg maxaa loo-yaqaanaa cudurka ay siddo kaneecada mideeda dhidig?
10-Jawab: Waxaa loo-yaqaanaa Malaariya.

11-Su’aal Sheeg Muruqa ugu xoogga badan jirka Bili’aadam-ka?
11-Jawab: Waa Wadnaha.

12-Su’aal Sheeg waa maxay Xubinta ugu lafaha yar jirka Bili’aadam-ka?
12-Jawab: Waa Dhegta.

13-Su’aal Sheeg wadanka ugu dadka yar. Wadama leesku yiraahdo Igad?
13-Jawab: Waa Wadanka Jabuuti.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments