Afhayeenka Amisom oo sheegay in Xoogaga Shabaab ay awood uga saari doonaan Magaalada Marka
Afhayeenka Amisom ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Xoogaga Shabaab ay awood ugala wareegi doonaan gacan ku heynta Magaalada Marka ee Xaruunta Gobolka Shabeellaha Hoose.
Afhayeenka Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom Korneel Cali Aadan Xaamuud oo la-hadlay Saxaafadda Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Xoogaga Shabaab ay awood uga saari doonaan Magaalada Marka.
Xoogaga Shabaab ayaa wuxuu sheegay inay yihiin koox argagaxiso ah misena xiriir toos ah la-leh kooxda Al Qaacida, oo caalamka oo dhan ka qaylo siisay, isla-markaana wuxuu sheegay inaysan faraha ka laaban doonin Al Shabaab.
Al Shabaab ayuu sheegay in loo-baahan yahay in laga sifeeyo dalka Soomaaliya oo dhan, haddii kale ayaa wuxuu sheegay inay mar walba daadin doonaan dhiigga shacabka Soomaaliyeed, loomana baahno buu yiri sidaasi.
Korneel Cali Aadan Xaamuud ayaa ku nuux-nuux-saday in dhawaan Ciidamadda Dowladda iyo Ciidamadda Amisom, ay u jiheysan doonaan dhinaca Magaalada Marka, si’ay uga saaraan Xoogaga Shabaab.
Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya iyo Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom, ayaa waxay xilligaan ay ku sugan yihiin Deegaanka Nambar Konton, oo 50km oo kaliya u jirta Magaalada Marka.
|
|


Print
