Dowladda Maraykanka oo duqeymo culus oo dhinaca cirka ah ka fulisay dalka Somaliya iyo dagaal-yahano Shabaab ah oo ay ku dishay
Maraykanka ayaa duqeymo xoogan ka fuliyay dalka Soomaaliya, duqeymahaasoo uu ku dilay dagaal-yahano badan oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab, oo iyagu si weyn uga soo horjeeda Dowladda Somaliya.
Diyaaradaha aan duuliyuhu wadin ee Drones-ka loo-yaqaano ayaa waxay duqeymo xoogan ay ka fuliyeen Buuraleyda Galgala ee Gobolka Bari, oo uu ka arrimiyo Maamul Goboleedka Puntland.
Diyuuradaha aan duuliyuhu wadin ee Drones-ka ayaa waxay duqeymo xoogan ay ka geysteen Buuraleyda Galgala ee Gobolka Bari, waxaana duqeymahaan ku dhintay dagaal-yahano ka tirsan Xarakada Al Shabaab.
Sheikh Muhammad Talal Dahir oo ka tirsan Saraakiisha Xarakada Al Shabaab oo la-hadlay Telefishinka Caalamiga ah ee Press, oo laga lee-yahay dalka Iran, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in duqeymahaasi ay ahaayeen kuwo xoog badan.
Wuxuu sheegay in duqeymahaan lagu dilay rag badan oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab, isagoona tiradoodu ku sheegay ilaa 13 nin, isla-markaana wuxuu sheegay inay dhamaantood wada ahaayeen ciidamo.
Dowladda Maraykanka ayaan weli ka hadlin duqeymaha ay ka fulisay Deegaanada Buuraleyda Galgala, isla-markaana waxaa jirta diyaarad Drone ah oo Maraykanka uga dhacday Buuraleyda Galgala, duqeymaha kadib.
|
|


Print
