Ciidamadda Amisom ee joogga Magaalada Baydhabo oo tiradoodu la-kordhiyay iyo ammaanka Baydhabo oo la-adkeeyay
Waxaa la-kordhiyay tirada Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom ee joogga Magaalada Baydhabo ee Xaruunta Gobolka Baay, waxaana ciidamadaan loogu talla-galay inay Ciidamadda Itoobiya kala wareegaan gacan ku heynta Magaalada Baydhabo.
Ciidamadda Amisom ka tirsan ee ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa waxaa horey loogu qorsheeyay inay ka kala yimaadaan dalalka Uganda iyo Burundi, oo iyagu ciidamadda ugu badan ay ka jooggaan dalka Somaliya.
Tirada guud ee Ciidamadda Amisom loogu talla-galay in la-geeyo Magaalada Baydhabo oo tiradoodu laga doonaayo ilaa 2,500 oo askari, ayaa waxaa xilligaan Magaalada Baydhabo ku sugan qiyaastii ciidamo ku dhaw ilaa kun askari.
Maalinba maalinta ka dambeysa ayaa waxaa Garoonka Diyuuradaha ee Magaalada Baydhabo ka soo degga diyuurado military, oo sida ciidamo ka socda Amisom, oo laga soo daabulaayo Garoonka Diyuuradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Qorshaha Ciidamadda Amisom loogu daabulaayo Magaalada Baydhabo ayaa waxay salka ku heysaa, iyadoo la-doonaayo in Ciidamadda Amisom ay si sax ah ula wareegaan ammaanka Magaalada Baydhabo, halka kuwa Itoobiyana ay dib dalkoodu ugu laabtaan.
Iskusoo wada-duuboo ammaanka Magaalada Baydhabo ayaa wuxuu yahay mid si weyn looga adkeeyay, waxaana muuqaalka guud ee Magaalada Baydhabo laga dheehan karaa in ammaanka lagu sameeyay isbedel ballaaran.
|
|


Print
