Daawo Sawirada: Ciidamadda Dowladda iyo Amisom oo dhul ballaaran ka saaray Xoogaga Shabaab
Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garab-sanaaya Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom, ayaa waxaa muuqata in Xoogaga Shabaab ay kala wareegeen Deegaanka Nambar Konton, oo qiyaastii 50km u jirta Magaalada Muqdisho.
Ciidamadaan ayaa waxay dagaalo kedis ahaa ay ku qaadeen Xoogagii Shabaab ee ku sugnaa Nambar Konton, isla-markaana waxaa u suurta-gashay inay isku ballaariyaan Deegaanka.
Qorshaha Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Amisom ayaa wuxuu yahay sidii Shabaab looga saari lahaa Magaalada Marka ee Xaruunta Gobolka Shabeellaha Hoose, oo ay si buuxdo leh gacanta ugu heyso Al Shabaab.
Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane C/Qaadir Maxamed Nuur (Siidii), ayaa sheegay in Nambar Konton ay ku xiggi doonto Magaalada Marka.
Colnel Muhanga oo ka tirsan Saraakiisha Amisom ee dalka Soomaaliya ku sugan, ayaa wuxuu sheegay in qorshahoodu uu ku wajahan yahay Magaalada Marka, oo uu sheegay in lagama maarmaan ay tahay in laga saaro Al Shabaab.





|
|


Print
