By: Mastar //  Aug 05 2012 at 3:13 am //  2,529 Reads  // Wararka Somalia

Mo Faarax oo ku guuleystay tartanka orodada tobanka kun ee mitir ee Olympicada +Daawo Sawirada

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Mo Faarax oo ku ordaayay magaca Boqortooyada Britain “Great Britain”, ayaa ku guuleystay tartamada orodada tobanka kun ee mitir ee Olympicada Adduunka.

Inkastoo Mo Faarax uu horey ugu guuleystay billada dahabka ee orodada ayaa wuxuu xilligaan uu si rasmi ah uu u hantay billada dahabka ee tobanka kun ee mitir ee Olympicada adduunka, oo uu markiisii ugu horeysay uu ka soo qeyb-galo.

Intii ay orodada socdeen ayaa wuxuu Mo Faarax uu ahaa mid mar walba ka dambeeyay ciyaartoydii xawaaraha dhaadheer ku soconeysay, markaasoo ay dad badani baqdin badan ka muujiyeen in Mo Faarax, uu ku fashilman doono orodadaan.

Laakiin wuxuu wacdaro uu dhigay markii la-maraayay daqiiqadihii ugu dambeeyay, isagoona si xowli leh ku soo dhaafaayay dhamaanba ciyaartoydii kula tartameysay orodadaan, oo uu qeyb ka ahaa ninkii 2008-dii ku guuleystay Tariku Bekele.

Markii orodada ay soo dhamaadeen kaalinta koowaadna uu galay orodyahanka Mo Faarax, ayaa wuxuu dhulka la-dhacay Sajuud, isagoona Alle (S.W.T” kaga mahad-celiyay guushii ballaarneyd ee uu ku maneystay.

Guddiga Olympicada Adduunka ayaa waxay Mo Faarax ay u aqoonsadeen in uu hantay kaalinta koowaad, iyadoo kaalinta labaadna uu galay Galen Rupp, halka kaalinta seddexaadna uu galay ninkii 2008-dii ku guuleystay Tariku Bekele, oo u dhashay dalkaasi Itoobiya.

Ugu dambeen xaaska uu qabo Mo Faarax oo lagu magacaabo Tania Farah iyo gabadha ay isu dhaleen oo lagu magacaabo Rhianna, ayaa waxay Garoonkii lagu tartamay ay ka dhigeen dabaal-dag oo ay ku muujinayeen guusha ay u soo hooyeen Boqortooyada Britain.








Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments