By: Mastar //  Aug 04 2012 at 7:58 pm //  1,561 Reads  // Wararka Somalia

WAR DEG DEG: Maareeyaha Aadan Cadde Airport oo goor dhaw lagu dilay Magaalada Muqdisho

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Waxaa caawa Magaalada Muqdisho lagu dilay Allaha u naxariistee Ibraahim Imaan Xalane, oo ah Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Xilli uu caawa uu ku sugnaa Degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa weerar kedis ahaa ku soo qaaday kooxo bisroolado ku hubeysnaa, kuwaa oo Maareeyaha ku toogtay gudaha Degmada Xamar Weyne.

Waxaa la-sheegay inay ku dhufteen ilaa shan xabadood oo ay uga dhufteen meelo halis ah sida, madaxa iyo xabadka, waxayna taasi soo dedejisay in uu ku geeriyoodo goobtii ay raggaasi ku toogteen.

Dilka kadib ayay iskaga baxsdeen dambiila-yaasha gudaha Degmada Xamar Weyne, isla-markaana waxaa lagu fashilmay in gacanta lagu soo dhigo nimankaasi, oo aan caawa la-ogeyn ujeedadii ay u dileen Maareeyaha Aadan Cadde Airport.

Degmada Xamar Weyne ayaa waxaa caawa soo gaaray ciidamo fara-badan oo ka tirsan Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, laakiin uma aysan suurta-galin inay gacanta ku soo dhigaan kuwii dilay marxuum Ibraahim Imaan Xalane.

Majirto wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, oo ku aadan dilka caawa lagula kacay marxuum Ibraahim Imaan Xalane, oo ah Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments