Ododyanka Somaliyeed Maxamed Xasan oo tartamada ka haray “Daawo Video”
Inkastoo Ummada Soomaaliyeed aysan ku farxin natiijada ay ciyaartoyda Soomaaliyeed ka soo hooyeen Tartamada Olympicada Adduunka, ayay hadana dadka Soomaaliyeed ku qanacsan yihiin dadaalka ay muujiyeen ciyartoydaan Soomaaliyeed.
Maxamed Xasan ayaa wuxuu tartamadaan ka muujiyay dadaal dheeri ah, iyadoo ay xusid mudan tahay in daqiiqadihii hore waxa uu ahaa mid dhexda ugajirey orodyahanadii la tartamayay balse markii dambe ayaa la wada dhaafay isagoo ay ka muuqatay in uu hoos u dhac ku imanayay marba marka ka dambaysa.
Maxamed Xasan ayaa wuxuu ka qeyb qaatay tartamada 1,500 mitir ee orodada ragga, inkastoo Maxamed uu ku haray wareega koowaad, ayaa wuxuu hadana uu ka sare maray laba dal, oo Carbeed.
Maxamed Xasan ayaa tartankaan ka galay kaalinta 13-aad, iyadoo ay ka hoos mareyn dalalka Yaman iyo Morocco, oo labaduba ka mid ah dalalka leesku yiraahdo amaba ka kooban Jaamacadda Carabta.
Kaalinta koowaad ee tartamadaan ayaa waxaa ku guuleystay nin ka socday, una dashay dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo lagu magacaabo Shaween Mohammed, kaasoo isagu ka wada adkaatay ilaa 14 nin oo orodyahano ah oo kula tartameysay wareegtaan qeybtiisa koowaad.
Waxaa jirta in berito ay tartami doonaan labo orodyahan oo Soomaali ah balse u ordaya wadamada Great Britain iyo Canada Mo Farah iyo Maxamed Ahmed. Labadan orodyahan ayaa la rajeynayaa in wadamada ay u ordayaan ay u soo hooyaan guul,iyadoo la ogyahay in Mo Farah uu yahay orodyahan haysta orodka tobanka kun ee caalamka.
|
|


Print






