By: Mastar //  Aug 02 2012 at 2:07 pm //  1,315 Reads  // Wararka Somalia

Korneel Axmed Xasan Maalin oo maanta si dirqi leh uga badbaaday gacanta Xoogaga Shabaab

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Xoogaga Shabaab ayaa waxay maanta ku sigteen inay dilaan Taliyaha Ciidamadda Booliska ee Gobolka Banaadir ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Korneel Axmed Xasan Maalin.

Xilli uu ka soo baxaayay Korneel Axmed Xasan Maalin gurigiisa oo ku yaalla Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa lala beegsaday miinada nooca dhulka lagu aaso ee meelaha fog fog laga hago.

Hase ahaatee miinada ayaa qaraxyada markii gaarigii uu la-socday Korneel Axmed Xasan Maalin uu wax yar ka soo gudbay goobtii miinada loogu aasay ee la-doonaayo in qudha looga jaro amaba lagu dilo.

Miinada oo aad u xooganeyd ayaan hadana geysan wax khasaaro ah oo soo gaaray Korneel Axmed Xasan Maalin iyo ilaaladiisa amaba dadkii goobtaasi ka ag-dhawaa, xilligii miinada ay qarxeysay.

Taliyaha Ciidamadda Booliska ee Gobolka Banaadir ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Korneel Axmed Xasan Maalin, oo qaraxa kadib la-hadlay Saxaafadda ayaa wuxuu sheegay in qaraxaasi uu fashilmay, isla-markaana uusan u dhicin buu yiri sidii ay doonayeen cadowga Shabaab.

Korneel Maalin ayaa wuuxu shaaca ka qaaday inay gacanta ku hayaan mid ka mid ah niman la-sheegay inay iyagu qaraxaasi soo maleygeen, kaasoo uu sheegay inay ku qabteen romate-ka wax lagu qarxiyo.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments