Kala Kaaneey Koow Ku soo Noqo (Aqriso)
Koo waa la dooranaa, oo wuxuu saakay u dabaaal dagayaa in loo doortay madaxweyne Dowlad Reereed oo farxad meel uu iskala geeyaa maleh,darajo uu maalinba meel usoo fadhiyey ayuu qabaa in saakay sacabada loogu shubay oo siyaasad hadey samaan leedahay wuxuu isku heystaa in uu saakay yahay kan Sal fadhigeeda yaqaan oo uu sidii Caw Sali soo toltolayey.
Waxaa u muuqda oo ku filan waa intaa iyo afar reeraha in uu u taliyo ee Soomaaliween iyo in uu isku keenaa wax danoo ugu jirtaa malahan isna marabo in uu isku daaliyaa, xitaa ma oga Degmada uu dhanka ka heysto dhankeeda kale Damaashaadka uga socda iyo sanad guurada uu tirsanaayo wuxuu isaga u yaqaan Dowlad Heblaayo.
Koo waa Dabaal dagaa, oo saakay ciidan beesha ah ayuu ayaantanba gaardisiin iyo gaada kacayaar aan Qaran loo mareyn balse qeyb qabiil ah ayuu isku duwday, wuxuuna leeyahay isagoo faraxsan “Anigoo ah Madaxweynaha Reerka waxa aan hormarka beesha ku faraxsaneyn waa ogahay” Calan Reereed ayuu sitaa oo kuma baraarugsana Soomaaliweyn in Dalkeena uu u guntado samatabixintiisa, waxaana ku filan Sunuudaha laga soo uruuriyo meelaha qeyraadka shacabka.
Waxaa uu jeclaan lahaana kala sii go`a umada oo intaan waa ku yar tahay ee wuxuu rabaa in uu wixiisa Caalamka isagoo reereysan ka iibsado, warna uma hayo Demada uu ka taliyaa dhankeeda kale ee uu u yaqaan Dowlad Heblaayo waxa ka dhacaaya oo ma oga damaashaadka uu ku jiro kan kalee isna Beeshaan kale xiro kusii Oodanayee hamigu uga jiro in uu Sunuuda ka uruursado.
Koo waa ansixinaa, oo halkan ayuu ka leeyahay Dastuurka waa ansax, ama diid ama yeel, iyadoo dadkii oo dhan ay leeyihiin Dastuurkan Gabdhaha Gudniinkooda ka hadlay ee aan ka hadleyn Xuduudaha Dalkeena, Dastuurkaan Diinta Islaamka kasoo horjeeda badankii ee shacabkii wada diideen naga badala oo ku San noo keena, uma jeedo waxaa u muuqda ansixin, wuxuuna ku jiraa Damaashaad iyagoo dhamina waa sacbinayaaan,maba islaha armaad Qalad ku jirtaan.
Waxkasta waa u abaabulan yihin, sida kuwa diididoona, kuwa yeelaayo waa sii ogo sii shaqeeyey, adaaba og duugta magaalada ka socota iyo ilmada shacabka ka qubaneysa, in Marshaalle xalay Afurkii la dilay haba sheegin, in koo damaashaadooyo ha sheegin, in koo la dooranooyo ha sheegin, koodaa u muuqda oo kaligodaa Guuleysteen.
Koo waa gooni, waa go`aas leeyahay, Calan gaaraan wataa, Lacag gaaraan heystaa, waxkasta wuxuu ugu necebyahay Soomaaliweyn ayaad ka mid tahay, wuxuuna isku heystaa Dowlad gaar ah, hadana waa Dowlad Reereed, waxkastaa oo wadanka guud ahaan uga dhacaaya waa og yahay hadana tacabkaluu ku jiraa, Jamhuuriyada adaaba isku yaqaan,adaaba og in Beerta Xoriyada ee Hargeysa Calanka Baluugley markii ugu horeysay laga taagay, waa Kood, koodaan kaligood, hadey inta kale ee kala kaanka ay Karaan sidii dabkii isaga wuxuu qabaa iney Kaahii aqoonsigisa soo dhowyahay.
Waxa saakay dhacaaya adaaba war u haaya,Aaska Marxuum Marshaale iyo Tiiraanyadaan Xariga Goosatay adaaba og, hadey ka hadlaan waxey isku heystaan in la leeyahay waxad ka mid tihiin Jamhuuriyada Soomaaliya.
Koo waa la Duugaa, shacabka waa Oynaayaan, isagaa ugu shacbiyad badan dal iyo Dibad oo waa laga dareemay wajiyada umadeena, wax ay suubiyaan mayaqaanaan inta la xirfada ah waa ku kor barooranayaaan, mana mooga in iyaga halistooda taagan tahay lakiin kaligood noolayaasha Dalka ma oga.
Kuwaan Ooynaaya ee Aaska jooga waa kuwa ugu walwalka badan hadana bulshada indhaha u ah, lakiin kan damaashaadaya ma oga in Marshaale la duugaayo mana rabo xitaa in qudbada uu ku soo daro, iskaba daa kan la doortay wuxuuba u arkaa arima ka baxsan Dowladiisa Reerka, Kan Saxiixanaayana koodii uweynaa uma Tacsiyeen, kii kayaraana Magagaciisa ayuuba garan waayey, waxey u arkaanse maahan Marshaale ee waa ka shacbiyad badan yahay, oo laga jecel yahay Marxuumkan Saakay la Aasaayo.
Saakay waa kala kaan, kuwalbaa waxbaa u karsamaaya oo waa kaligood noolayaal,kuli shacabkeenana kadeed ayaan la kacaa kufeynaa 21 sano, hadaanse kala kaankaan sii baahaya aan lagu baraarugin waxaa sii badandoona Kaligood noolayaasha aan waxba noo heyn ee Soomaalaay kala kaaney Koow kusoo noqo.
Maxamed Barre Xaaji (Fiyoore)
fiyoore@hotmail.com
|
|


Print
