By: Mastar //  Aug 02 2012 at 1:42 am //  1,711 Reads  // Article & Opinion, Wararka Somalia

Madaxda Dowladda Soomaaliya maxaa lagu arkay (Warbixin)

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Masuuliyiinta qaranka Soomaaliyeed waxey huwan yihiin calanka iyo sharafta Soomaaliyeed. Madaxweynaha Soomaaliya waa qalad in eedeyntiisa loo soo mariyo warbaahinta. Ma jirto madaxweyne hogaaminaya dal ka tirsan Qaramada Midoobey oo shaqaale ka tirsan urur caalamiya ay si qaawan adduunka xatooyo xoolo dadweyne oo rubuc malyuun dad ah ay u dhinteen gaajo ay sababtay abaar ku soo eedeyn kara.

Dr. Saciid Ciise Maxamud Gudoomiyaha Xisbiga Dadka Musharax Madaxweyne Soomaaliya

Caalamka waxaa u yaala qawaaniin guud oo caalamiya, dalna dal kale ma faragelin karo arrimihiisa gaaraka. Masuuliyinta ugu sareysa wadan kasta waxaa jira hab dhaqan loo maro haddii eed loo soo jeedinayo, dhaqankaas oo waafaqsan diplomaasiyad daboolan. Aflagaadada loo geysanayo madaxda wadamada adduunka waa dembi caalamiya iyo meel ka dhac loo geystey calanka iyo xurmada wadamada ay metelaan.

In musuqmaasuq baahsan uu ka jiro wadanka Soomaaliya ma ahan arrin qarsoodiya laakiin waxaa qaldan in madaxdii dowlada Soomaliyeed iyaga oo haya xilka wadankooda lagu ceebeeyo caalamka oo dhan. Haddii ay jirto eedeymo sal leh waxey ku habooneed in madaxdaas si qarsoodiya loogu soo gudbiyo eedeymaha lagu maleynayo ama in laga codsado ineysan dib isku soo sharaxin inta tuhumadaas la cadeynayo. Waxey intaas kaga wanaagsanaan lahayd in la sugo inta Soomaaliya ay yeelaneyso dowlad rasmiya oo wakhtigii la heli lahaa uusan dheereyn.

Aflagaadada loo geystey madaxda Soomaaliyeed waa arrin ku cusub diblomaasiyada adduunka, waana arrin dhaawac weyn ku ah madaxbanaanida ummadda Soomaaliyeed. Madaxweyne jamhuuriyadeed oo maxkamad caalamiya aysan ku eedeyn dembi in la ceebeeyo waa sharcidarro caalamiya ee loo geysanayo shacabka Soomaaliyeed, taasna waa mid xumeynkarta xiriirka qaramada midoobey iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ujeedada ugu weyn ee laga leeyahay ceebeynta madaxda Soomaaliyeed waa in la meelmariyo in gudiyo iyo shirkado shiskeeya ay maamulaan dhaqaalaha dowlada Soomaaliyeed, taas oo aan ahayn mid la aqbali karo, waayo haddii aadan dhaqaalaha xor ka ahayn ma tihid wadan xor ah. Waxaan gacan ku siineynaa madaxda Soomaalida in si aqoon leh ay isaga dabraan shisheeyaha doonaya cagajugleyn iney kula wareegaan milkiyada ismaamulka dowladnimada Soomaaliyeed. Ma jirto dal yeelaya in la maamulo dhaqaalahooda iyo awooda madaxbanaanidooda.

Waxey shirkado shisheeya marar badan ay caadeysteen in magaca iyo sharafka Soomaaliyeed ay ku aruursadaan dhaqaale fara badan oo inta badan hantidaas lagu dhunsado dibeda. Marnaba ma dhicin in dabagal lagu sameeyo hayadahaas caalamiga oo madaxdooda lagu soo eedeeeyo hantida ay sida xu u maamulaan. Marka haddii xatooyada shisheeyaha waxba laga qaban waayey, taasi waxey keentay in madaxda Soomaaliyeed la tuso shacabkooda oo weliba farta lagu fiiqo xoolo inta badan dibeda lagu soo dhaco.

Waxaan u soo jeedineyna kooxda baareysa dembiyada waa iney ilaaliyaan magaca iyo sharafta Soomaaliyeed mar haddii ay yihiin koox aan sharci iyo awood midna u laheyn iney wadanka Soomaaliya gudihiisa aqoonsi dowladnimo ay wax ku dabagalaan. Madaxda la eedeeyey waa kuwii baari lahaa dembiyada dowlada lagu soo oogey, marka ujeedada eedeyntan soo macnaheedu ma ahan in la isku deyayo in Soomaaliya aysan dib u helin gobanimadeedi iyo dowladnimadeedi oo dhameystiran. Waa xaq in lala xisaabtamo madaxda dowlada, waxaana mudnaan u leh oo keliya waa shacabka oo kaashanaya hanti ilaaliyeyaasha iyo xeer ilaaliyeyaahooda, wixii intaas ka baxsan waa faragelin qaawan oo lagu hayo arrimaha guddaha Soomaaliyeed.

Waxaan u soo jeedinaya Qaramada Midoobey oo hor ka ceysa bulshada caalamka in eedeyntu ay noqoto mid loo siman yahay oo wada quseysa gudaha iyo dibedaba ama iney ku ekaadaan oo keliya gacansiinta iyo howl fududeynta ay dowlada Soomaaliyeed igu baahan tahay si looga guuro nidaamka ku meelgaarka. Waxaan ka soo horjeedna eedeyntaas oo aan waafaqsaneyn hab dhaqanka xeerarka caalamiga.

Waxaan aamin sanahay in Soomaaliya ay ka dhacday dembiyo fara badan oo leh boob hanti guud iyo mid gaara, waxaan kaloo rumeys nahay inuu sidoo kale ka dhacay xasuuq ku saleysan gaajo iyo colaad. Marka Soomaaliya maanta ma joogto xiligii ay furi lahayd maxkamad cadaalada oo dhageysata dembiyadaas, bulshada caalamkana kama muuqato iney awood u leedahay dembiyadaas baahsan iney maanta furto dhaqaalexumo haysata awgeed. Marka Haddii aan nahay Soomaali danteenu waxey ku jirta maanta in geediga aan ku dooneyno dowlanimada buuxda ineysan naga mariin habaabin qaswadayaasha shisheeyaha oo marba nagu furaya mashaariic ay dantoodu ku jirto.

Dr. Saciid Ciise Maxamud


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments