Kororso Aqoontaada Su’aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud
Waa barnaamij weydiin iyo war-celin ah, amaba Su’aalo iyo Jawaabo ah, oo aanu soo daabici doono inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, haddii uu Alle raali ka noqdo.
1-Su’aal Sheeg dhaqtaradii ugu horeysay ee Islaam-ka?
1Jawab: Jawab: Waa Rufeydah Bintu Sacad.
2-Su’aal Sheeg faraqa u dhaxeeya Khazwa iyo Sariya?
2-Jawab: Khazwa waa duulaanka uu Rasuulka (NNKH) la-socdo. Sariya waa duulaan ama sahan uusan Rasuulka (NNKH) la-socon.
3-Su’aal Sheeg Khazwadii ugu horeesay ee uu Rasuulka (NNKH) qaaday?
3-Jawab:Waxay aheyd Khazwadii Abwaa.
4-Su’aal sheeg kumaa calanka u waday dagaalkii Beder ciidanka Islaamka guud ahaan?
4-Jawab: waxaa u waday Muscab Bin Cumayr RC.
5-Su’aal Sheeg gaar ahaan yaa calanka u waday Muhaajiriinta?
5-Jawab: Waxa u waday Cali Bin Abii Daalib RC.
6-Su’aal Sheeg gaar ahaan yaa calanka u waday Ansaarta?
6-Jawab: Waxa u waday Sacad Bin Mucaad RC.
7-Su’aal Sheeg Ninkii ugu horeeyey ee Islaam-ka laga dilo?
7-Jawab: Wuxu ahaa Cumar Bin Xadrami RC/
8-Su’aal Sheeg tirada koromsoom-yada dadka?
8-Jawab: Waxa weeye 48 koromsoom.
9-Su’aal Sheeg tirada Koromsoom-yada lo’da?
9-Jawab: Waxa weeye 60 koromsoom.
10-Su’aal Sheeg tirada Koromsoom-yada Idaha?
10-Jawab: Waxa weeye 54 koromsoom.
11-Su’aal Sheeg Magaalada ugu dadka badan Qaaradda Afrika?
11-Jawab: Waa Magaalada Qaahira ee dalka Masar (Egypt).
12-Su’aal Sheeg Magaalada ugu dadka badan Qaaradda Asia?
12-Jawab: Waa Magaalada Shanghai ee dalka Shiinaha (China).
13-Su’aal Sheeg Magaalada ugu dadka badan ee Qaaradda Yurub?
13-Jawab: Waa Magaalada Paris ee dalka Faransiiska (France).
14-Su’aal Sheeg wadanka Yurub ugu Muslimiinta Badan?
14-Jawab: Waa Wadanka Faransiiska (France), balse waxaa jira khuburo sheegaaya in Muslimiintu ay xilligaan kaga badan yihiin dalalka Ingiriiska iyo Jarmalka.
|
|


Print
