By: Mastar //  Aug 01 2012 at 4:47 pm //  6,607 Reads  // Wararka Caalamka

Cabdi Jeylaani Marshaale oo maanta si weyn loogu aasay Magaalada Muqdisho “Daawo Video”

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Waxay maanta Ummada Soomaaliyeed ay u tahay maalin madow iyo mugdi badan, kadib markii reer Muqdisho iyaga oo ilmeynaaya ay aaseyn Allaha u naxariistee Cabdi Jeylaani Malaaq “Marshaale”, oo si Xaq-daro leh lagu dilay.

Qabuuro ku yaalla Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa maanta aas ballaaran loogu sameeyay Allaha u naxariistee Cabdi Jeylaani Malaaq “Marshaale”, kaasoo ay dadka Soomaaliyeed ka wada naxeyn Xaq-darada lagu dilay.

Aaska ballaaran ee maanta loo-sameeyay Marshaale ayaa waxaa isugu soo baxay boqolaal ruux oo ka mid ah dadweynaha ku dhaqan guud ahaan Magaalada Muqdisho, iyagoona wejiyadooda laga dheehan karay, sidii ay uga murugeysnaayeen.

Ka soo qeyb-galayaasha aaska ballaaran ee maanta loo-sameeyay Marxuum Marshaale ayaa waxaa ka mid ahaa a Suxufiyiin, Abwaano, Fanaaniin iyo xubno kale oo ka mid ah bahdii ay isla soo shaqeyn jireyn marxuumka.

Agaasimaha Telefishinka Caalamiga ah ee Universal ee Magaalada Muqdisho Ibraahim Xuseen Jeekey oo aaska kula hadlay Saxaafadda, ayaa wuxuu si weyn uu u cambaareeyay dhagar-qabayaashii dilay Majaajaliiste Marshaale.

Cabdi Muriidi oo ay dadka Soomaaliyeed u yaqaanaan “Ajakis” ayaa sidoo kale cambaareeyay kuwii dilay Allaha u naxariistee Marshaale, isagoo dhinaca kalana weeraray Masuuliyiinta Dowladda Kmg ah ee Somaliya.

“Falaaydka wuu soo wareegtay ,wariyaashii ayaa laga soo leexiyay, fanaaniintii ayaa lasoo galay, anaga shaqada waan wadaynaa , Dowladana waan soo qabanaynaa ha iska wado”ayuu yiri Cabdi Muriidi Ajakis.












Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments