By: Mastar //  Aug 01 2012 at 2:47 pm //  950 Reads  // Wararka Somalia

Madaxweyne Shariif iyo Wasiiro si qarsoodi leh ku gaaray Degmada Balcad (Aqriso)

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Madaxweyne Shariif iyo rag Wasiiro ah oo ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxay maanta si qarsoodi leh ay ku taggeen Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, rag Wasiiro ah iyo Saraakiil isugu jirta Dowladda iyo Amisom, ayaa waxay goor dhaw oo maanta ah ay taggeen Degmada Balcad, oo qiyaastii ilaa 30km u jirta Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha iyo wefdiga uu hogaaminaayay ayaa waxay Degmada Balcad ay ku taggeen gawaarida qufulan ee Ciidamadda Amisom, taasoo uu micnaheedu uu yahay in booqashada ay ku taggeen Degmada Balcad ay ku taggeen dhinaca dhulka.

Madaxweynaha iyo Masuuliyiintii la-socotay ayaa waxay Warshadii Dharka ee Balcad ay kulan ballaaran kula qaateen Saraakiisha Dowladda ee Degmada Balcad ku sugan iyo qeybaha bulshada ee Degmada Balcad ku dhaqan.

Madaxweynaha iyo Saraakiisha Dowladda ee Degmada Balcad ku wada sugan ayaa waxay ka hadleen laba arrimood oo kala ah, sida uu yahay ammaanka Degmada Balcad iyo taatiko military oo ay Dowladdu ku dooneyso, inay Xoogaga Shabaab uga qabsato Magaalada Jowhar.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa wuxuu bulshada ku dhaqan Degmada Balcad uu ugu baaqay inay la-shaqeeyaan Ciidamadda Dowladda ee ku sugan Degmada Balcad, gacana ay ka geystaan sidii Shabaab looga dul-qaadi lahaa buu yiri shacabka reer Jowhar.

Sababta loo-shaacin waayay safarka Madaxweynaha iyo Wasiiradaan ay ku taggeen Degmada Balcad, ayaa waxaa lagu sheegay sababo ammaan daro awadeed, iyadoo laga cabsaday in Xoogaga Shabaab ay wadada u galaan.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments