General Cabdi Qeybdiid oo maanta loo-doortay Madaxweynaha Maamulka Galmudug
Taliyihii hore ee Ciidamadda Booliska ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya General Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), ayaa waxaa maanta loo-soo doortay Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug States.
Munaasabad si weyn loo-soo agaasimay oo maanta lagu qabtay Koonfurta Magaalada Galkacyo, ayaa waxaa si weyn loogu soo doortay Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), oo loo-soo doortay in uu yahay Madaxweynaha Maamulka Galmudug.
Xilli uu waqtigiisu uu sii dhamaaday Madaxweynihii Maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalin, ayaa wuxuu galay Isbitaal Magaalada Nairobi ku yaalla, kadib markii qaliin looga sameeyay dhinaca wadnaha.
Iyadoo Madaxweyne Caalin uu ku maqan yahay Magaalada Nairobi ayaa waxay maanta reer Galmudug ay soo doorteen Madaxweyne cusub, kadib markii Madaxweyne Caalin la-sheegay in uu waqtigiisu uu ka dhacay.
Sidoo kale Madaxweyne ku Xigeenka Maamulka Galmudug ayaa waxaa loo-soo doortay Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug Mudane C/Samad Nuur Guulleed, oo ku soo jiray siyaasadda Galmudug muddooyinkii ugu dambeysay.
Isniintii la-soo dhaafay ayuu Baarlamaanka Maamulka Galmudug uu soo doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, wuxuuna Baarlamaanka uu u soo doortay Mudane Xasan Maxamuud Hayl.
|
|


Print
