By: Mastar //  Aug 01 2012 at 1:17 pm //  1,484 Reads  // Wararka Somalia

WAR DEG DEG: Soomaaliya oo ka baxday xilligii ku meel gaarka iyo Dowlad buuxda oo loo-aqoonsanaayo

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxay shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay si rasmi ah ay uga baxday xilligii ku meel gaarka ah, loona aqoonsanaayo xilligaan Dowlad buuxdo.

Raa’isal Wasaaraha Xukuumadda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane C/Wali Maxamed Cali Gaas, ayaa wuxuu goor dhaw uu shaaca ka qaaday in dalka Soomaaliya uu ka baxay xilligii ku meel gaar ah.

Haddii shalay Soomaaliya la-oran jiray Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, ayaa wuxuu sheegay in maanta la-oran doono Dowladda Soomaaliya, oo aan loogu yeeri doonin buu yiri Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya.

In Soomaaliya ay noqoto Dowlad buuxda ayaa wuxuu sheegay in dadka Soomaaliyeed ay yeesheen Dastuur ay u madax banaan yihiin, kaasoo uu sheegay in lagu dhaqi doono dalka iyo dadka Somaliyeed.

Beesha Caalamka ayaa wuxuu xusay inay si weyn u taageersan tahay Dastuurka Soomaaliya xilligaan loo-ansaxiyay, isla-markaana wuxuu sheegay in maanta oo ay taariikhdu tahay 1-da Agosto, in Soomaaliya ay ka baxday xilligii ku meel gaarka ahaa.

Iskusoo wada-duuboo Beesha Caalamka ayaa waxaa looga fadhiyaa inay xayiraadaha hubka ee saaran Soomaaliya ay ka qaado, si loo-dardar geliyo dagaalada lagula jiro kooxaha argagaxisada ah, ee la-sheegay inay Soomaaliya ku dhuumaaleysanayaan.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments