WAR DEG DEG: Dastuurka Qabyo Qoraalka oo la-ansaxiyay iyo Xukuumadda oo ka hadashay
Waxaa lagu dhawaaqay natiijada cod qaadis ballaaran oo maanta loo-sameeyo sidii lagu meel marin lahaa Dastuurka Qabyo Qoraalka, oo ay dadka Soomaaliyeed intoodu badan ay ka qabaan walaac xoog leh.
Dastuurka Qabyo Qoraalka ayaa waxaa maanta lagu meel mariyay si aqlabiyad leh, waxaana Dastuurkaan si ku meel gaar ah loogu dhaqayaa dalka iyo dadka Soomaaliyeed, oo iyagu loo-sameeyay.
621 xubnood ayaa waxay Dastuurku ay ugu codeeyeen haa, 13 xubnood ayaa diiday, iyadoo 11 kalana ay iskaga aamuseen, waxaana guud ahaan hawlka shirarka soo xaadiray 645 xubnood, oo ka tirsan 825-ka xubnood ee Ergayda Dastuurka.
Marwo Naciima Axmed oo ka mid ah Guddiga Dastuurka ayaa waxay ku dhawaaqday natiijada codka Dastuurka lagu Ansaxiyay, waxayna sheegtay in Dastuurku uu yahay mid ay si rabitaan leh ay ku Ansaxiyeen bay tiri Ergayda Dastuurka Ansaxineysay.
Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin taariikh ah, isagoo xusay in ergooyinka ay si geesinimo ah u ansixiyeen ugana mira dhaliyeen, waxaana uu cadeeyay in dastuurka uu si KMG ah ku shaqeynayo ilaa afti dadweyne looga qaado.
Raa’isal Wasaaraha Xukuumadda Kmg ah ee Soomaaliya Dr C/Wali Maxamed Cali Gaas iyo Golihiisa Wasiirada qaarkood, oo goor dhaw soo gaaray School Polizio, ayaa waxay ka qeyb qaadanayaan qaabka Dastuurka loo-meel marinaayo.
|
|


Print
