By: Mastar //  Aug 01 2012 at 12:10 pm //  683 Reads  // Wararka Somalia

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka hadlay weerarada ismiidaaminta ah ee lagu soo qaaday School Polizio

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya ayaa wuxuu ka hadlay weeraradii ismiidaaminta ahaa ee maanta lagu soo qaaday hawlka uu shirarka uu uga soconaayo Ergayda Ansaxineysa Dastuurka Qabyo Qoraalka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ahna Amniga Qaranka oo Saxaafadda kula hadlay gudaha School Polizio, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in qaraxa ay la-socdeen inay imaanayaan, maadaama uu sheegay in qaraxyadu ay ahaayeen kuwo qorsheysnaa, sida uu sheegay.

Wasiirka ayaa xusay inay iyagu lahaayeen oo kaliya inay ammaanka suggaan, si’ay uga hortaggaan qaraxyadaasi, oo uu sheegay inay horey ula socdeen inay imaan doonaan, maadaama goobta shirka lagu Ansaxinaayo ay Shabaabku ku hanjabeen, inay isku qarxin doonaan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in qaraxyadaasi ay ka dambeysay Xarakada Al Shabaab, taasina noogama jirto buu yiri wax shaki ah, isla-markaana wuxuu cambaareyn xoogan oo u jeediyay Xoogaga Shabaab.

Xoogaga Shabaab ayaa wuxuu ku eedeeyay inaysan dooneyn nabad maanta ka dhalata gudaha dalka Somaliya, wuxuuna amuurtaasi uu ku tilmaamay mid nacasnimo leh, oo looga baahan yahay inay kooxdu qaadato buu yiri nabadda.

Al Shabaab ayaan iyadu weli ka hadlin laba weerar ee ismiidaaminta ah ee maanta lagu qaaday hawlka uu shirarka uu uga soconaayo Ergayda Ansaxineysa Dastuurka Qabyo Qoraalka.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments