Roadmap-ka iyo sida uu nagu noqday “Arin Layaab Leh”
Dariiqa dowladnimo lagu gaarayo ee la soo qeexay ma ahan mid soomalia oo kaliye lagu qasbay iney maraan wadiiqadaas ee waa mid horey u soo jirtay waxaana lagu bilaabay dalka midowgii sofeetiga ee ruushka markii uu burburay . Baarlamaanka ruushka waxaa lagu qasbay in dimuquraadiyada aaney taam aheyn ilaa la fasaxo xoriyadda diimaha. Waxaa arrinkaas looga jeeday in la fasaxo diimaha kale ee aan ruushka looga dhaqmin balse waxaa diiday baarlamaarlka dalkaasi ruushka ee “Aqalka hoose DUMA” oo aqlibiyad badan ku diiday inaan waxaan aheyn sedex diimood ka badan lagu fidin Karin isla markaasna dastuurka dalkana uusan aqoonsaneyn wax ka baxsan sedexdaasi diin sida Muslim , Orthodox ,iyo budhistaha oo dalka ruushka looga dhaqmo.
Madaxweynihii dalka ruusha Boris Yelsin oo arrintaa ka biyo diiday isla markaana la dhacsan siyaasada reer galbeedka iyo wadiiqadda dimuquraayidadda lagu gaarayo ayaa ka daadigi weyday diidmada ka timid kuwii maryo calasta ahaay ee ay shuuciyadda dilootay , maxaa yeelay waxey cod aqlibiyad ku diideeyn Road-mapka lagu gaarayo Dimuquraadiyadda dalka ruushka ee uu boris yelsin hor kacayo. Defender’s Democracy.
Shuuciyiintii jidbeysneey waxay dib ugu celsheen xeerkii diimaha lagu fasaxayay xafiiska madaxweynaha boris yelsan balse mar labaad ayuu madaxweynaha isagana dib ugu soo celshay in la ansixiyo xeerka diimaha lagu ogolaanayo, kolkii lagu soo celshay baarlamaankii ayuu arrinkii cirka isku shareeray. shuuciyiinta oo qiireysan isla markaana xasuustii hogaamiyihii shuuciyadda Lenin iyo joseph starlin aan hilmaamin ayaa markale qiiro wadaniyad iyo waa lama taabtaan afka labdiis la yeeray oo MAYA ku codeyay.
Wuxuuse arrinku is bedelay markuu madaxweyne Boris yelsin tab iyo xeelad kale la soo baxay kuna yiri “haddii aad xeerkan markale maya ugu codeysaan baarlamaanka waan kale dirayaa” qof welibana doorasha hor leh ayuu soo gelayaa , taasi waxay keentay cabsi laga qabo waayo waxaa lagu yaqaan baarlamaan amarka ka u hogaansami waayo waxa uu la kulmayo sida duqeyntii baarlamaanka 1992.
Nin weliba kusrsigiisa ayuu u baqay waayo waxaa hubaal ah in doorasho danbe uusan qof weliba ku soo bixidoono sidaas darteed waxaa la meel marsiiyay xeerkii xorriyadda diimaha.
Waxaa is weydiin mudan maxaa dhacay kolkii la ansixay Xeerka Diimaha ee dalka ruushka? subaxdii xeerkaas la ansixiyay duhurnimadiiba waxaa albaab kasta soo gaaray xayaysiinta iyo suuq geynta diin cusub oo aan horey loo aqoon dalka ruushka waa diinta ugu oradka badan ee albaab kasta taagan ee la yiraa “Jehovah witness “shan foraad iyo calaacal ayay durbadiiba dadka saboolka ah ee aan waxba heysan ku dhigtay. xarumo fuudka laga siiyo dadka waayeelka ah iyo dadka saboolka ah ee aan waxba heysan ayaa xaafad weliba laga furay,waxaana durba soo baxay dad aaminsan Jehovah witness oo isbedel weyn ku dhacay oo berigii hore shuuciyadda ku adkaa balse daruufo dhaqaale iyo ogolaanshihii xeer beegta ay ogolaadeyn xeerka cusub ee baarlamaankaasi ay ku qasbeen iney ka tanaasulaan waxay hore u aaminsnayeen.
Hadaba is barbardhigida amuuraha maanta dalkeena ka jira oo ay ugu horeyso mashaakilaadka dastuurka “ constitutional crisis” iyo dariiqii uu qaaday madaxweynihii dalkaasi ruushka ee Boris yelsin waxaan dhihi karnaa wax badan bay isaga mid yihiin.
Sida baarlamaanka ruushka oo la duqeyay misna lagu dilay 500 oo xildhibaan halka baarlamaanka soomliya 500 xildhibaan howshii loo igmaday laga cuuryaamiyay dabeedna hawadda lagu daray, balse waxaa isweydiin muday Maxaa sabab u ahaay duqeyntii baarlaamka ruushka? Maxeyse isaga mid yihiin xildhibaanada soomaliyeed ee laga taqalusay ee iyaga oo aan sharci lagu kala diro jir.
waxaa sabab u ahayd inaanan xildhibaan mabaadii shuuciyad xambaarsan laga dhaadhicin Karin road-mapka dimuqoradiyad lagu gaari karo sidaa darteed waxay sababtay in ragaas laga duqeyo baarlamaanka lagana dilo 500 oo xildhibaan , arrinkaas waxaa la mid ah xildhibaanidii la marsiin waayay mooshinkii badda ee ay Kenya ku dooneysay iney ku boobto dhul badeed waxaa maalin cad hortooda lagu dhisay dastuur ku meel gaar ah oo qiyaano iyo xaq-duudsiin ummadda lagu soo asteeyay, laguna qasbayo iney afka ka xirtaan ama ay noqdaan spoilers qaswadayaal la maxkamadeyn doona hadii aysan amarka u hogaansamin.
Allahayoow na taageer aday taada noqotaaye
Tuugadan dadkii waashay ee noona tudhahaynin
Ee taajirnimo gaadhay ee lacagta loo toobsho
Iyo tuhun kan beenta ah ee dadkii wada tabaaleeyey
Inkastoo soomalidu ummad fac weyn ay yihiin oo aan dhaqankeeda lagu dhex milmi Karin balse waayadan danbe waxbaa iska bedelmay oo waxaa soo baxay rag iyo dumar la soo shir tagey waxaan ummadda soomaliyeed aan hore u arag .Dhulkeyga waa la igu qabsan karaa.. Soomalinimada sidii hore ma ahan oo waa loo siman yahay Dhulkeyga soohdin iyo xuduud midna ma laha “Nomansland” dadku miyaysan wax garneyn mise anniga ayaan wakhtiga la socon sidii Axzaabul kaaf.
Waxaase la yaab leh hogaanka maanta jira oo ku dhiciwaayay iney yiraahdaan Soomaali baan ahay halkaasna waa deganahay, isla markaana xuquudda ummadda soomaliyeed ku cadeyn waayay dastuurka cusub maxaa laga sugaa oo ay ummadda u hayaan?
Allahayoow na tageer aday taada noqotaaye
Allaw dawlad tabantaabo lootamaro xoog wayn leh
Ooy nabadu taam noo tahayoon cidina tuuraynin
Oo tacliinta loo beratamooy teedsan tahay diintu
Dhallinyaro tamuuxaa ka badan oon tirona koobaynin
Oo tababar loo furay aduun waa is takuliye
Iyo waxaan tabaynaa aduun taynu ku lahayn e
Gabdho tamashle fiidkii ku mara toobiyaha suuqa
Odayaal tiraabtiyo murtida talada noo raacsha
Iyo waxaanu kaa tuugaynaa tuul nimcoo badane
Allahayoow na tageer aday taada noqotaaye
Waxaanse ku kalsoonahay in bulshada soomaliyeed weli laga dhex heli karo rag iyo dumar u dhigma halgamayaashii lagu yiqiinay soomalinimadda ee u soo halgamay dalkaan , laguna yaqiinay dhaqanka suuban kuna faro adeygi jiray karaamadda iyo sumcada ummadda soomaliyeed , waxaa intaa u sii dheer oo hubaal ah in bulshadda soomaaliyeed gebi ahaanteed ka dheregsan tahay gefka ay ku dhaceen dhagar qabayaasha na hor boodayo. Waxaa kale oo hubaal ah in 825 qof ee la isugu keenay iskool blisiya inaneyn ka wadda aradneyn kana faro marneyn dhaqanka suuban ee ay ummaddu ku caan baxday. Waxaan odayaasha maanta u fadhiiya arrinkaas laga sugayaa talaabo geesinimo leh ay ku talaabsadaan, si fiican u fahmaan qodob kasta oo dastuurka ka mid ah inta aysan HAA iyo MAYA midna oran maxaa yeelay waa maalin taariikhda ummadda wax ka badaleyso haa iyo maya mid key yiraahdaanba, taariikhdana laguma sheegin meel ay odeyaal soomaaliyeed tallo xumo isku raaceyn. Ayaga ayaana maanta laga dhawrayaa talaabo taariikh ah iney ummadan tabaaleysay ee lagu tacadiyay iney codkooda ku difaacaan.
Ahmed abdi macallin
tirokoob@gmail.com
|
|


Print
