Niman hubeysan oo dilay Allaha u naxariistee Majaajaliistaha weyn ee Marshaale iyo shacabka oo ka wada naxay (Daawo Video)
Allaha u naxariistee waxaa fiidnimadii caawa geeriyooday Majaajaliistaha weyn ee Cabdi Jeylaano Malaaq “Marshaale”, oo ay dadka Soomaaliyeed intoodu badan ay u yaqaanaan Marshaale.
Xilli daqiiqado kooban ay ka harsaneyd xilliga afurka ee Magaalada Muqdisho, banaanka gurigiisana uu fadhiyay Marshaale, ayaa waxaa si toos ah u soo abaaray laba nin oo dhalinyaro ahayd, kuwaa oo bistoolado ku hubeysnaa, iyadoo ay xusid mudan tahay in Marshaale uu degnaa Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.
Raggaan ayaa waxay ku dhufteen ilaa lix xabadood, iyagoona uga kala dhuftay, madaxa, feeraha iyo xabadka, waxayna taasi ka dambeysay in uu u geeriyooday dhaawac culus oo ay rasaastaasi gaarsiisay.
Isagoo dhaawac culus qaba ayaa waxaa Cabdi Jeylaano Malaaq “Marshaale” lagula cararay Isbitaalka Madiina oo ku yaalla Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, halkaasoo uu daqiiqado kadib uu ugu geeriyooday.
Kahor inta uusan geeriyoon Majaajaliiste Marshaale ayaa waxaa la-saaray Saalada Qaliinka deg dega ah, si wax looga qabto xaaladiisa caafimaadeed oo markaasi ku jirtay mid halis ah, hase yeeshee daqiiqado kadib ayuu ku dul geeriyooday Saalada Qaliinka.
Allaha u naxariistee meydka marxuum Cabdi Jeylaano Malaaq “Marshaale” ayaa wuxuu iminka uu ku jiraa dalaajadaha meydka ee Isbitaal Madiina, waxaana lagu wadaa in berito lagu aaso Magaalada Muqdisho.
Marshaale oo maanta oo idil soomanaa ayay rag hubeysan rasaas la-dhaceen, xilli daqiiqado fara ku tiris ah ay ka harsaneyd Salaaddii Maqrib, oo ay dadka reer Muqdisho ugu diyaarsanaayeen inay afuraan.
Majaajaliistaha weyn ee Cabdi Jeylaano Malaaq “Marshaale”, ayaa waxaa si weyn uga wada naxay dadka Soomaaliyeed, ee dal iyo dibadba ku kala sugan
(Daawo Video)
|
|


Print
