By: Mastar //  Jul 31 2012 at 3:10 pm //  1,271 Reads  // Article & Opinion, Wararka Somalia

Shaki la’aan mar kale dhiig baa loogu wan-qali

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Rammadaan Mubaarak! Waxaa jirta in gobolo badan oo dalka ka mid ah ay joogaan xoogag shisheeye oo aan aqoon dabeecadda mujtamac Islaam ah iyo waliba muhimadda bisha Rammadaan u leedahay Muslimka, waxaa kaloo wali jira siyaasiyiin fidno ka shaqayniya, cadaawad abuuraya, dad magacyo leh oo ciil qaba aaminsanna inay waqti dambe siyaasadda burburka soo galeen oo aysan ka faa’idaysan,dano shisheeye oo waxaas oo dhan u haysta inay maslaxaddiisa u yihiin furihii iyo marinkii lagu gaari lahaa.

Muran kuma jiro in Soomaaliya laysa siiyay, in Soomaaliya iyadoo ummaddii lahayd ay taagantahay laysku haysto qaybsigeeda, Soomaaliya!..Soomaaliya waxaa hubaal ah inay inoogu kici doonto qiimo aynaan hadda qiyaasayn, kama cabsi qabo Soomaaliya inay noqoto meel layska qaato oo inta shisheeye yimaado xoog ku muquuniyo, jinsiga dadka Soomaaliyeedna ma ahaa noocaas.

Mid waa hubaal inay jirto ilaa iyo haddana ay muuqato, in dalkii ay u kaceen siyaasiyiin aaminsan inay wax ku noqdaan ama wax ku ahaadaanraali gelin shishisheeye, isla markaasnana aan kala jeclayn rabitaanka iyo raali gelinta dadka ay rabaan inay xukumaan, waana cudurka ugu weyn ee burburkii dalka laga dhaxlay, wax kasta oo kale waa laga dawoobi doonaa, ama waa wax dhammaan kara, laakin dhibaatada sii jiitami doonta iyo khtarta dalka iyo ummadaaba ku soo fool leh waxay tahay dhaqanka siyaasadeed ee waayadii hore soomaalidu iskala weynaan jirtay ee shisheeye isu dhiibidda ah laakiin intii uu dalka burburay noqday wax laysugu faano.

Soomaalidu waxay lahaan jirtay dhaqan siyaasadeed ee runtii si dhib yar looga arki karo inay yihiin qoomiyad qaran ah oo madax banaan, marka aad fiiriso qaybaha kala duwan ee suugaanta Soomaaliyeed waxaa kuu soo baxaya sida ay u madax banaanaayeen xagga fikirka iyo noloshaba, bal tusaale ahaan u fiirso murtidan qadiimka ah “Gunimo DHereg Leh, Gaajo Gobanimo Leh Baan Ka Doortay!” waxayna ahayd murti ay sida ay u yiraahdeen ugu soo dhaqmeen ee iska hadal keliya ma ahayn, waana meesha ay mid kale ka tiraahdo “Waa Baahnahay Baqti Looma Cuno”…Yaa! Bal waxa manta socda ka waran? Waa nasiib daro.

Waxaan xasuusnahay sagaashannadii bilowgoodii nin kaniisadaha Kenya wadaaddadooda ka mid ahaa hadal uu igu yiri “ Waa hubaal in 30sano ka dib aan jabinnay albaabkii xirnaa, shakina kuma jiro inaan calooshiisa gaari doono!” hadal aan wali xasuustayda ka go’in, weedh ciilqab iyo xaasanimo ay ka buuxdo, shaki kuma jiro in qabqablayaashii dagaalka ay xilli aad u xun jilbaha inoo dhigeen cadowgeena hortiisa, kaaga daranee siyaasiyiinta soo baxayna ay ku tartamayaan raali gelinta cadowgaas si ay hoggaanka talada dalka u qabtaan.

Waxaa taas ka sii daran oo cillad weyn ah oo dabeecad soo siyaaday ah in dadakii lays lahaa iyagaa hanan kara hogaanka siyaasadda maanta aysan madax banaanayn, waxaa cajiib ah inay ku leeyihiin aduunku waa la kala adkaaday waxaana u hoggaansamaynaa siyaasadaha dalalka adkaaday! Taas macnaheedu waxaa weeye annagu wax siyaasad ah ma la imaan karno aan ahayn inaan raacno dowladaha xoogga weyn tooda mooyee, waase su’aalee taas dad-weynaha ma u cuntamaysaana?! Ka yaabi maysid.

Qofka bini aadanka ah isagoo xor ah buu dhashay, ama xornimuu ku noolaan ama wuu dhiman, taariikhda sida ay ina baraysana dabeecadda bini-aadamka kama mid aha inuu u hoggaansanaado cabsi laguna guumeysto, dadka Soomaaliyeedna warkooda daa, waxaana shaki ku jirin in aysan dhici doonin in qarniga 21aad ay inta madaxa hoos u rogtaan qaataan waxyaabaha qaarkood eel ala maagganayahay sida hadda saansaantu tahay.

Kenya way innagu soo khaldantay, waxaan garanayaa khudbooyinkii wanwanaagsanaa ee madaxdoodu aqrin jirtay intii uu socday shirkii Mbagathi, waxaan garanayaa gudoomiyihii shirkaas Abdo Bethuel Kiplagat oo ilmeeya markuu khilaaf shirka soo dhex galo oo aan hoyan ilaa uu khilaafkaas xal ka gaaro, Kenya waxay ka fekeraysay sidii ay Soomaaliya xiriir wanaagsan ula yeelan lahayd dadkeedana shaqo uga heli lahayd mashaariicda dib-u-dhiska dalka Soomaaliya, waxay ka fekeraysay siday xiriir ganacsi (haba ugu horeeyo qaadkee) oo weyn ula samaysan lahayd laakiin hadda….

Waxaan garanayaa sidii wanaagsanayd ee ay ula dhaqmeen shacaka qaxootiga ku ahaa ama hadda ku ah dalkooda, waxay si aad u quruxsan uga soo shaqeeyeen shirkii Mbagathi ee lagu soo aasaasay DFKMG Soomaaliyeed, laakiin hadda… hadda Israel iyo Norway baa dhegta wax ugu soo sheegay, waxaa loo sahmiyay xeebaha Koonfureed ee Soomaaliya, waxaa loo soo aqriyay, laga soo dhaadhaadhiciyay, lagu soo qanciyay in xeebahaas ay shidaal ka qodoto, iyadoo mar AMISOM ah, mar la dagaalaysa Argagixisada khatarta weyn ee Al-shabaab iyagana ay hiil iyo hoo la garab istaagi doonaan….Aqoon La’aan Baa Rag Isku Hodda!

Uganda, Yoweri Museveni wuxuu aad ugu dadaalay inuu IGAD ku dhaadhiciyo inay Soomaaliya dowlad la dhisaan iyagoo ka madax banaan dalalka dunida horumartay, wuxuu dhowr jeer ku yaboohay lacago uu rabo inuu DFKMG soomaaliya ugu deeqo ka dowlad ahaan, laakiin hadda.. hadda waxaas a jiraan, Soomaaliyana wuxuu u arkaa meel uu shaqo uga sameeyo ciidammadiisa, wuxuuna amar ka soo bixiyaa Kampala, isaga iyo Kibaki waxay labaduba hadda ku dhowyihiin inay rumaystaan in Soomaaliya ay ahayd meel ay ka il duufeen oo ay ahayd inay mar hore qabsadaan….laakiin armay hadda il duufsanyihiin?!

Waxaa arrin iska cad ah in labada dal ay ku shaqayniyaan qorshe ka qoto dheer waxyaabaha ay DFKMG ah u sheegto shacabkeeda, waxaa maalin kasta Uganda, iyo Burundi, ay soo wadaan ciidamo qalabkooda u dhanyahay, xeebaha dalka oo dhan waxaa biyihii daboolay maraakiib dagaal oo leeyihin dalalka isu yaqaan Super Powe-ka oo iyaga ka caawinaya xagga xogta iyo basaasnimmada, waxaa hadda muuqda xataa in sal-dhigyadi boliiska ay la wareegayaan.
Waxaase jira wax aysan dowladahan ka fekerin oo ah in dalkan ay leeyihiin dad-weyne aan qaadan karain waxa lagula dhaqmayo nimanka siyaasiyaasiyiinta ah ee hoggaanka siyaasadda dalka haya, dad-weyne aan shaki ka qabin inay yihiin Qaran dunida wax la qaybsan kara aaminsanna in dhiig loo shiilo qaranimmada Soomaaliya!… Soomaali Ninkuu Alle Ka DHigay Baa Nasiib Leh!

“Alle Weyne Ilaahow, Aduunka Kii Lahayow, Ifka Kii Uumayee, Aakhiro la magansanayow, Ammaan Yeel Arligeena, Arxan laawe Iimeeya gudaha Iyo dibaddaba, Ka Ilaali Cadow Aafo U geysta.”
=Aammiin=

Axmed-yaasiin Maxamed Sooyaan
Alle_yaqaan99@yahoo.co.uk


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments