Ciyaartoyda Somaliya u mataleysa tartamada Olympicada adduunka oo ka oysiiyay dadka Somaliyeed “Daawo Sawirada”
Ciyaartoyda Soomaaliya uga qeyb galeysa amaba u mataleysa tartamada Olympicada adduunka, ayaa waxay ka oysiiyeen Muwaadiniinta Soomaaliyeed, kuwooda ay ka fogtahay qabyaalada iyo qurunka ay xambaarsan tahay.
Telefishinka Caalamiga ee Universal ayaa wuxuu Istuudiyihiisa Magaalada London uu ku soo casuumay Maxamed Xasan iyo Zamzam Faarax, isla-markaana waxay Telefishinka ay siiyeen wareysi qiiro badan ku reebay dadka Soomaaliyeed.
Dadka ayaa waxay si weyn ay u jecleysteen sidii wacneyd ee ay u hadlayeen ciyaartoydaan Somaliyeed, waxayna labaduba ay muujiyeen qiiro wadanimo leh, waana midaas midda dadka intooda badan ka ilmeysiisay.

Qof walba oo daawada wareysigaan oo ahaa mid dheer ayaan dareemin in uuba dheer yahay, maxaa yeelay waxay dadku la-dhaceen kuna qashuuceen, sida wanaagsan ee ay wadanimada u muujiyeen dhalinyaradaan Somaliyeed.
Maxamed Xasan ayaa wuxuu ka qeyb gali doonaa tartanka orodada ee 1,500 mitir ee ragga, iyadoo Zamzam Faarax ay iyana ka qeyb geli doonto tartanka orodada 4,00 mitir ee dumarka.
Ciyaartoydeena Soomaaliyeed ayaa waxay labaduba muujiyeen dareen ay ku keeni karaan guulo muuqda, iyadoo ay xusid mudan tahay in wax kastaa ay tahay niyadda, lagana yaabo inay Soomaaliya u soo hooyaan guulo la-taaban karo.
Zamzam Faarax ayaa waxaa lagu xasuustaa inay caalamka kahor qaaday Calanja Jamhuuriyada Somaliya, waxaana weeye Zamzam midii qalbiyada Wadaniyada ee qalalay ee qoyneysa. waa Qaran,waa Qalbi dhisa oo marka ay Ordeysaa uma Tartameyso Nafteedee, Dalkey ku Difaaceysaa, Wadnaheeda Wadaniyadaa dhex Ceegaagto, Calanka korkaa gee ayaa u muuqda, Rajabeel Indhaheedu ma arkaan oo waa Guul sido, Daafaca Sharafta Dalka waa u duuban tahay oo Waa Astaanteenoo Nafkaliya ah.
Daawo Video Qiiro kuugu reebaaya
|
|


Print
