By: Mastar //  Jul 28 2012 at 2:30 pm //  1,245 Reads  // Wararka Somalia

Dagaalo culus oo ka dhacay Magaalada Xudur iyo Saraakiisha Dowladda oo ka hadlay

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Dagaalo faraha looga gubtay ayaa waxay ka dhaceen aafafka hore ee Magaalada Xudur ee Xaruunta Gobolka Bakool, kaasoo u dhaxeeyay Ciidamadda Dowladda oo garab ka helaaya Ciidamadda Dowladda Itoobiya iyo Xoogaga Shabaab oo dhinac ah.

Dagaaladaan ayaa waxaa soo qaaday Xoogaga Shabaab, waxayna weeraro xoogan ay ku soo qaadeen fariisimo ay Ciidamadda Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku lee-yihiin duleedka Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool.

Dagaalada ayaa waxay labada dhinac ay isu adeegsadeen qeybaha kala duwan ee hubka, wuxuuna soconaayay muddo dhawr saacadood oo xiriir ah, waxayna baqdin xoog leh ay ku abuureyn shacabka reer Xudur.

Gudoomiyaha Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Macalin Xasan, ayaa qiray in dagaalo culus ay ku soo qaadeeeen Xoogaga Shabaab, oo ay horey ugala wareegeen Magaalada Xudur.

Gudoomiyaha ayaa wuxuu sheegay in Ciidamadda Dowladda oo garab ka helaaya Ciidamadda Dowladda Itoobiya, ay si weyn iskaga caabiyeen Xoogaga Shabaab, waxayna gaarsiiyeen buu yiri khasaaro culus.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay inaysan jirin wax khasaaro ah oo dagaaladaasi ka soo gaaray Ciidamadda Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, maadaama uu sheegay inay iyagu ahaayeen difaac oo qura.

Al Shabaab ayaan weli ka hadlin dagaalada culus ee ay xalay ku qaaday aafafka hore ee Magaalada Xudur, kaasoo soconaayay dhawr saacadood oo xiriir ah, walaac iyo baqdin xoog lehna ku beeray shacabka reer Xudur.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments