By: Riwaan Haji //  Jul 28 2012 at 3:59 am //  9,670 Reads  // Wararka Caalamka, Wararka Somalia

Abd Bile muxuu calanka u qaadi waayey? (Daawo Video)

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Su’aasha ugu horeysa oo qof walba oo Somali ah is weydinayo waa ma jiraa cayaaryahan ka weyn Abdi Bile? jawaabta waa maya,Abdi Bile waa cayaaryahanka keliya ee bilad dahab ah u soo hoyey wadanka Somalia isla markaana waa qofka keliya ee u qalma in uu calanka Somalia ee buluuga ah qaado.

Hadaba su’aashu waa muxuu u qaadi waayey,jawaabtu aad ayey u fududahay, aduunku sharci ayuu ku shaqeeyaa xamaasad iyo fadhi ku dirir waxaa looga tagey maqaayadaha la fadhiisto,

Hadii aadan sharciyada isboortiga waxba ka aqoon waxna ha soo qorin waxaan jirina haka sheekeyn,dad isku sheega in ay wax ka ogyihiin isboortiga aduunka ayaa suuqyada la soo istaagey Abdi Bile ayaa calanka qaadaya arintaana waxaa naga ogolaadey GOS,runtii waa wax lagu qoslo – cayaaraha Olimbikada waxay ka dhacayaaan magaalada London hab maamulka iyo sharcigana waxaa sameeya International Olympic Committee IOC – marka inta aadan maqaayadaha ka hadlin ama shabakadaha iska hadla wax ku soo qorin aqri sharciyada u yaala IOC.

Tabcan waan la soconaa dadka maqaayadaha fadhi ku dirirka fadhiista iyo kuwa shabakadaha laysku caaya soo qora in luqada ingiriiska ay ku adag tahay- saa awgeed waxaan link idinku siinayaa shabakada WIKIPEDIA oo soo qortey dhowr maalmood ka hor cida u qaadaysa calanka wadankooda arintaa si fiican ayuu ula socday qoraaga weyn ee laga dabadhacay Mr L Roone, laakiin anigoo ah qoraa caalimi ah afkeyga ayaan iska heystay ee waxaan sugayey runta in ay timaado – bal ila aqriya qoraalkan WIKIPEDIA lagu qoray dhowr maalin ka hor:

http://en.wikipedia.org/wiki/2012_Summer_Olympics_Parade_of_Nations

Tabcan aad ayey farxad weyn ugu ahaan laheyd in Abdi Bile uu qaado calanka Somalia,laakiin Abdi Bile kama mid aha GOS isla markaana ma aha cayaaryahan u diiwaan gashan GOS – sidaa aawged marnaba ma qaadi karin calanka Somalia.

Maahmaah Somali ayaa jirta oo oraneysa “INTA AADAN FALIN KA FIIRSO” next time baaritaan ama research sameeya inta aadan shabakadaha iska hadla waxba ku soo qorin, arintan dhacdey GOS shaqo kuma laha dowladda Somalia shaqo kuma laha waa sharci u yaala IOC oo cid walba ay taabaneyso.

NB: Mr L Roone wuxuu furayaa koorsooyin lagu barto qaabka weriyaasha wax loo baro – fadlan email noo soo dira si aan idin barno Research Journalism:

Hadii aan nahay bahda shabakada SSPAMEDIA waxaan leenahay hambalyo dhamaan weftiga Somaliyeed ee ka qeyb galay furitaanka cayaaraha oo ay ugu horeyso gabadheena halyeyada ah ee calanka Somalia qaadey ZAM-ZAM MOAHMED FARAH iyo gudiga GOS oo uu ugu horeeyo Mr Duran Farah iyo madaxa weftiga Mr Cumar Abdulqadir “Baarajab” halyeyga Somaliyeed ee Abdi Bile Abdi iyo garsooraha FIFA Mr Xassan Aadan Yabaroow Wiish.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments