By: Mastar //  Jul 27 2012 at 2:07 pm //  1,553 Reads  // Wararka Somalia

Ciidamadda Dowladda oo dhul ballaaran kala wareegay Xoogaga Shabaab (Aqriso)

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya oo dagaalo culus kula jira Xoogaga Shabaab, ayaa waxay dhul ballaaran ay kala wareegeen Xoogaga Shabaab, iyadoo dhinaca kalana ay ka hadashay Dowladda.

Ciidamadda Dowladda kmg ah ee Soomaaliya oo garab ka helaaya Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom, ayaa waxay Khamiistii shalay ay la-wareegeen Deegaanka Daani ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Xoogaga Shabaab ayaa waxaa la-sheegay inay isaga carareyn Deegaanka Daani, kadib markii ay ku soo dhawaadeen Ciidamadda Dowladda iyo Ciidamadda Amisom, waxayna iminka ay ku sugan yihiin Deegaanka Daani.

Deegaanka Daani ayaa wuxuu ku yaallaa inta u dhaxeyso Magaalooyinka Jowhar iyo Balcad, wuxuuna yahay qorshaha Dowladda in xilligaan ay Xoogaga Shabaab kala wareegto Magaalada Jowhar, oo Xaruun u ah Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Taliyaha Guutada 1-aad ee Ciidamadda Militariga ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Korneel Maxamed Maxamuud Saney, oo Saxaafadda la-hadlay ayaa sheegay in bilaa dagaal ay kula wareegeen Deegaanka Daani, isla-markaana wuxuu sheegay inay horey uga sii dhaqaaqi doonaan, kolka ay ammaankeedu xaqiijiyaan.

Korneel Saney ayaa sheegay in qorshaha Dowladda Soomaaliya uu xilligaan uu ku wajahan yahay Magaalada Jowhar, isla-markaana ay ku hawlan yihiin sidii ay uga saari lahaayeen Xoogaga Shabaab, sida uu sheegay.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments