Dhacdo layaab iyo qosol leh oo dhex martay nin Sacuudiga u dhashay iyo askari Maraykan ah
Nin ayaa isaga oo marayo jid ka mid ah jidadka New York wuxuu arkay eey qaniinay haweenay jidka maraysay, markaas ayuu ka fujiyay oo aygii halkaas ku dilay markii uu ka fuqi waayay haweeneydii uu qaniinaayay, kadib ayuu haweenaydiina u qaaday cusbitaal.
Nin boolis ah oo kor ka eegayay dhacdadaas ayaa u yimid ninkii wax badbaadiyay, markaas ayuu intuu amaanay wuxuu ku yiri, “Bari waxaad iska arki doontaa jaraa’idka iyada oo la soo qori doono: “Nin reer New York ah oo si halgaynimo ah haweenay u badbaadiyay.”’ Ninkii ayaa sheegay inuusan reer New York ahayn.
Booliskii ayaa markaa u sheegay in saxaafada qori doonto nin Maraykan ah oo si halgaynimo ah wax u badbaadiyay. Markaas ayuu hadana ninkii sheegay inuusanba ahayn nin Maraykan. Ninkii booliska ahaa oo yaaban ayaa waydiiyay dalka uu u dhashay ninka wax badbaadiyay.
“Sucudi Carabia” ayuu ku jawaabay. Markaas ayuu intuu hal mar qayliyay, booliskii yiri: “Oo argagixo ayaad tahay ileen. Bari saxaafada waxaa lagu soo qori nin argagixiso ah oo dilay eey Maraykan ah.”
|
|


Print
