Ururka Al Islaax oo ridiyay hadal ka soo yeeray Sheekh Axmed Garyare (Aqriso)
Ururka Al-Islaax oo ka mid ah Ururada Islaamiga ayaa bayaan uu maanta soo saaray kaga jawaabay hadal ka soo yeeray Sheekh Maxamed Axmed Nuur (Garyare) oo ahaa inay xilka ka qaadeen Gudoomiyaha Ururka Islaax iyo xubno kale, kadib markii uu ku eedeeyay inay baal mareen xeerarkii u yaalay ururka.
Bayaanka Xarakada Islaax oo uu ku saxiixnaa Cali Baashi Cumar Xaaji ayaa lagu sheegay in Ururka Islaax uu leeyahay hogaan maamul iyo shuruuc kala hagta howlihiisa, isla markaana ay keentay in Ururka uu noqdo mid ku caan baxay kala dambeyn iyo waxqabad mudadii 34-ta sano uu jiray.
“Waxaa layaab ku noqotay dhammaan xubnaha ururka iyo maamulladiisa kala duwan wargeysigii uu laanta afka Soomaaliga ee BBC-da siiyay Sheekh Maxamed Axmed Nuur taariikhdu markay ahayd 23-kii Luuliyo 2012; kuna sheegay inuu kala diray mas’uuliyiinta iyo golayaasha ururka, isaguna iskiis isugu magacaabay inuu yahay madaxa KMG ah ee ururka,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Islaax”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.
War Saxaafadeed

|
|


Print
