By: Mastar //  Jul 24 2012 at 11:32 am //  1,302 Reads  // Wararka Somalia

Kooxda Barcelona oo safar galeysa, David Villa iyo Piyol oo laga saaray liiska ciyaartoyda

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Weeraryahanka Kooxda Barcelona iyo dalka Spain David Villa ayaanan lagu darin liiska Ciyaaryahanada Kooxda Barcelona ay ugu hortagayso kooxda Germany ee Hamburg

Ciyaaryahanka Spain ayaa wali waxaa lasheegayaa inuusan Caafimaadkiisa wali wanaagsanayn taasna waxaa ay keentay in Macalinka kooxda Barcelona Tito Vilanova’s oo katago Xidigan.

Macalinka Hogaanka kooxda Barcelona loo dhiibay sanadkaan Tito Vilanova’s ayaa xushay 22 ka Ciyaaryahan ee ciyaari doonka kulanka Saaxibtimada ay isugu sii diyaarinayso Xili ciyaareedka ee laciyaarayso kooxda Hamburg caawa.

Weeraryahankan 30 jirka ayaa dhaawaciisa uu aad adkaaday kadib markii uu ku dhawaacmay Ciyaarihii Barcelona ay ugu qayb gashay koobka kooxaha Aduunka lakiin Ciyaaryahahanka da’da weyn ee kooxdaas
Carles Puyol oo dib tababarka kooxda ugu soo noqday ayaa isagana aan lagu soo darin liiska Ciyaaryahanada ee macalinka kooxda Barcelobna uu xushay kulankaan.

Ciyaartaas waxaa Barcelona lagu arki doono 12 Ciyaaryahan oo laga soo qaaday heerka hoose.

Kahor inta aysan Barcelona si rasmi aysan udaah furin Ciyaarteeda koowaad ee horyaalka Laliga kooxda Real Sociedad oo ay laciyaarayso 18 August waxaa ay laciyaari doontaa kooxahaa Espanyol, Paris Saint-Germain, Manchester United iyo Dinamo Bucharest.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments