Dowladda Soomaaliya oo wadooyinka Magaalada Muqdisho ku soo daadisay 1,500 oo askari, oo la-dagaalama Al Shabaab
Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ayaa waxay Magaalada Muqdisho ay ku soo daadisay ciidamo xoog leh, kuwaa oo ay sheegtay inay kahor taggi doonaan qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee ay fulinayaan Xoogaga Shabaab.
Ciidamadaan oo laga dareemay goobo ka tirsan Magaalada Muqdisho ayaa waxay daba-gal culus ay ku hayaan dagaal-yahanada Xarakada Al Shabaab taabacsan ee sida kili kiliga leh ugu sugan Magaalada Muqdisho.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Cabdi Cali Xasan, oo la-hadlay Warbaahinta Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Dowladda Somaliya ay Magaalada Muqdisho ku soo daadisay 1,500 oo askari.
Ciidamadaan ayaa wuxuu sheegay inay muujinayaan feejignaan sare, taasoo keentay buu yiri inay yaraadaan qaraxyadii ay Magaalada Muqdisho ka geysanayeen Al Shabaab, isla-markaana wuxuu ammaan uu u jeediyay Ciidamadda Dowladda.
Mudane Cabdi Cali Xasan ayaa wuxuu ku nuux-nuux-saday in ammaanka Magaalada Muqdisho uu xilligaan yahay mid wanaagsan oo sugan, taasina ay muujineyso buu yiri ammaanka xilligaan ka jira Magaalada Muqdisho.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la-sheegay inay ka hawl-galayaan ciidamo qarsoon oo Soomaali ah, kuwaa oo aan iyagu ku labisneyn wax dareys ah, laakiin waxaa weeye ciidamo dhar-cad ah, oo aan shacabka laga dhex aqoon.
|
|


Print
