Dagaalo culus oo dhex maray Xoogaga Shabaab, Ahlu Sunna iyo Ciidamadda Dowladda
Dagaalo culus ayaa waxay Gobolka Gedo ay ku dhex mareyn Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya oo garab ka helaaya Ciidamadda Ahlu Sunada Gobolada Koonfureed iyo Xoogaga Shabaab oo dhinac ah.
Dagaaladaan ayaa waxay ka dhaceen duleedka Degmada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo, kadib markii Xoogaga Shabaab ay wadada u galeen gawaari ay la-socdeen Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna.
Labada dhinac ayaa waxay gelinkii dambe ee shalay ay dagaalo culus ay ku dhex mareyn duleedka Degmada Balad Xaawo, waxaana dagaalada ka dhashay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawacba, oo labada dhinac soo kala gaaray.
Xoghayaha Gaashaandhiga Ahlu Sunada Gobolka Gedo Sheekh Isxaaq Xuseen Mursal ayaa sheegay in dagaaladaan ay ku dileen dagaal-yahano hubeysan oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab, kuwaa oo uu sheegay inay si indho adeeg ah ay wadada ugu galeen Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna.
Sidoo kale Saraakiisha Dowladda ee Gobolka Gedo ayaa waxay sheegeen inay ka itaal roonaadeen Xoogagii Shabaab ee weerarka ku soo qaaday, ka gadaal markii ay sheegeen inay dagaalada kaga awood badnaadeen.
|
|


Print
