Hawl-galo ballaaran oo ka soconaaya Isgoyska KM4 iyo gaari walxaha laga soo buuxiyay oo lagu qabtay
Hawl-galo ballaaran ayaa waxay maanta Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ay ka wadaan Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho, iyagoona ku sugaaya ammaanka Magaalada Muqdisho.
Hawl-galadaan ayaa waxaa si wadajir leh u wada fulinaaya Ciidamadda Hay’adda Nabad Suggida iyo Ciidamadda Alpha Group oo labaduba leesku yiraahdo “Gaashaan”, waxayna hawl-galadu ay u soconayaan si ballaaran.
Ciidamadda Nabad Suggida iyo kuwa Alpha Group ayaa waxaa hawl-galadaan ku wehlinaaya Saraakiil ka tirsan Hay’adda Nabad Suggida, waxayna Ciidamadda Dowladda ay u sheegayaan qaabka ay baaritaanada u fulinayaan.
Intii ay hawl-galadaan soconayeen ayaa waxay Ciidamadda Dowladda ay ku qabteen gaari uu noociis yahay kuwa Kaaribta loo-yaqaano, isla-markaana waxaa la-sheegay inay si weyn ay uga shakiyaan gaarigaan.
Muddo dhan hal saac ayaa waxay gaarigaan ay ku baarayeen Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho, isla-markaana waxay gaariga iyo ninkii wadayba ay u qaadeen dhinaca Xaruunta Hay’adda Nabad Suggida, oo ku taalla Madaxtooyada Soomaaliya.
Hawl-galada maanta ka soconaaya Magaalada Muqdisho ayaa waxay yihiin kuwa ay amniga ku sugayaan Ciidamadda Dowladda, ayna uga hortagayaan weeraro kaga imaan kara dhinaca Xoogaga Shabaab.
|
|


Print
