Kororso Aqoontaada Su’aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud
Waa barnaamij weydiin iyo war-celin ah, amaba Su’aalo iyo Jawaabo ah, oo aanu soo daabici doono inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, haddii uu Alle raali ka noqdo.
1-Su’aal, Sheeg kumuu ahaa Gabayaagii Rasuulka (NNKH)?
1-Jawab, Gabayaagii Rasuulka (NNKH) wuxu ahaa Xasaan Binu Thaabit.
2-Su’aal, Sheeg imisa sano ayey dacwadu (Fidinta Diinta) qarsoodi ehayd?
2-Jawab, Waxay dacwadu qarsoodi ahayd muddo saddex sano ah (3 sano).
3-Su’aal, Sheeg kuwii Islaamka ugu horeeyey ee Muhaajiriin ah ?
3-Jawab, Waxay kala ahaayeen, 1- Hooyo Khadiija Bintu Khuweylad rc, 2- Cali Bin Abii Daalib rc, 3-Abuu-bakar rc, 4-Sayid Binu Thaabit rc, 5- Cusmaan Bin Cafaan rc, 6-Subeyr Bin Cawaam rc, 7- Cabdi Raxmaan Bin Cowf rc, 8- Sacad Bin Abii waqaas rc, 9-Dalxa Bin Cubeydillah rc,
4-Su’aal, Sheeg qofkii ugu horeeyey ee Islaanimo ku shahiida?
4-Jawab, Wuxu ahaa Camar Bin Yasir rc,
5-Su’aal, Sheeg gabadhii ugu horeesay ee Islaanimo ku Shahiida?
5-Jawab, Waxay ahayd sumeya Rc,
6-Sheeg, Markii ay Muhaajiriinta u haajireen Xabasho, Kufaartii Qureysh waxay ka daba diren Labo nin, sii’ay Boqorka hadiyad ugu geeyaan, Muhaajiriintana gacantooda loo-soo geliyo, hadaba sheeg labadaas nin magacyadooda?
6-Jawab, Waxay kala ahaayeen Cumar Bin Caas iyo Cabdullaahi Bin Abii Raabica.
7-Su’aal, Sheeg goormuu soo Islaamay Xamza Bin Cabdi Mudalib?
7-Jawab, wuxuu soo Islaamay sanadkii lixaad ee Nabinimada. Nabiga (NNKH) oo 6 sano nebi ah ayuu soo islaamay Xamza. Sidoo kale sanadkaasi waxaa soo Islaamay Cumar Bin Khadaab.
8-Su’aal, Sheeg Xamza RC iyo Cumar Bin Khadaab imisa maalmood ayey kala dambeeyeen soo galitaanka Diinta Islaamka?
8-Jawab, Waxay kala danbeyeen saddex maalmood (3 maal-mood).
9-Su’aal, Sheeg goorma ayay dhacday Hijradii uu Rasuulka (NNKH) ka soo Hijrooday Maka una soo Hijrooday Madiina?
9-Jawab, waxay dhacday 29-kii bishii Safar sanadkii 14-aad ee Bicthada.
10-Su’aal, Sheeg markii Nebiga (NNKH) uu Madiina u Hijroonaayey kumuu ahaa Asxaabigii la-socday?
10-Jawab, waxa la-socday asxaabikiisii Godka, waa Abuu Bakar Sidiiq (RC).
11-Su’aal, Sheeg ciidaanka caalamka ugu tirada badan ?
11-Jawab, waa ciidanka Shiinaha (China).
12-Su’aal, Sheeg ciidaanka caalamka ugu awooda badan?
12-Jawab, waa ciidanka Dowladda Maraykanka.
13-Su’aal, Sheeg warshada sonkor ee Isnaay oo ku taalla Magaalada Kowhar sanadkii la-aas-aasay?
13-Jawab. waxaa la-aas-aasay sanadkii 1925-kii
14- Su’aal, Sheeg magaalada kaliya ee Soomaaliya uu bariiska ka baxo?
14-Jawab, waa Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabellaha Dhexe.
15-Su’aal, Sheeg bariiska ka baxa Magaalada Jowhar magaca loo-yaqaano?
15-Jawab, waxaa loo-yaqaanaa Bariis Baaroow.
16-Su’aal, Sheeg abwaanka weyn ee Soomaaliyadeed Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) sanadkii uu dhashay?
16-Jawab, wuxuu dhashay sanadkii 1943-kii
17-Sheeg sanadkii ey jabuuti xurnimada qaadatay?
17-Jawab, waxay qaadatay 27 June 1977.
18-Su’aal, Sheeg shimbirka shimbiraha ugu xoogga badan?
18-Jawab, Waa shimbirka loo-yaqaano Gorgorka.
19-Su’aal, Sheeg Libaaxa yar ee ilmaha ah magaca loo-yaqaan?
19-Jawab, Waxaa loo-yaqaanaa Caga-baruur.
20-Sheeg sanadkii la-qoray farta af Soomaaliga?
20-Jawab. Waxaa la qoray 12 October 1972.
|
|


Print
