Dagaal-yahano hubeysan oo Al Shabaab ka tirsan oo soo weeraray Suuqa Bakaaraha
Dagaal-yahano hubeysan oo Al Shabaab ka tirsan ayaa waxay weerar gaadmo lahaa ay ku soo qaadeen Suuqa Bakaaraha, waxaana weerarkaasi ka dhashay khasaarooyin iskugu jira dhimasho iyo dhaawacba leh.
Dagaal-yahanadaan ayaa waxay weerarka ay la-soo beegsadeen ciidamo ka tirsan Nabad Suggida oo ku sugnaa Suuqa Bakaaraha, isla-markaana waxaa u suurta gashay inay si gaadmo leh ay ku dilaan askari ka tirsan Nabad Suggida.
Daqiiqado kadib ayay Ciidamadda Nabad Suggida ay iyaguna dileen mid ka mid ah dagaal-yahanadii Shabaab ee weerarka soo qaaday, kaasoo meydkiisa galabta laga qaaday Suuqa Bakaaraha, markii uu yaalay muddo saacado ah.
Ciidamadda Nabad Suggida ayaa waxay daba-gal ballaaran ay ku sameeyeen raggii Shabaab ka tirsanaa ee soo weeraray Suuqa Bakaaraha, hase ahaatee Ciidamadda Nabad Suggida ayaan ku guuleysan inay gacanta ku soo dhigaan.
Xoogaga Shabaab oo si sax ah looga saaray Magaalada Muqdisho ayaa waxay xilliyada qaarkood ay weeraro iyo qaraxyo ay ka sameeyaan Magaalada Muqdisho, iyagoona wax-yeelo ugu geysanaaya Ciidamadda Dowladda iyo dadka ay ku tuhmayaan inay xiriiro lee-yihiin Dowladda.
|
|


Print
