By: Mastar //  Jul 23 2012 at 9:39 pm //  2,663 Reads  // Article & Opinion, Wararka Somalia

Garaadso Intaadan Guursan

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Waxaa hubaal ah, gabadh iyo wiil kastoo guurdoon ah, oo maanta dunida guudkeeda jooga inuu ku haminayo siduu ku heli lahaa ama ku hanan lahaa qof wanaagsan oo ay nolosha wada qaybsadaan.

Waxaa hubaal ah haddaad tahay guurdoon , in aad dooneyso qof aad nolosha macaankeeda isla qeybsataan,qof aad mugdiyada nolosha aadamaha soo foodsaara iska weheshataan, qof aad isku noqotaan muraayad oo midba midka kale isku daawado, qof uu Eebbe idin kala siiyo awlaad aad ku indho qabowsataan, qof aad nolosha inta idiinka dhiman iska soo ag toostaan, iyo weliba qaar kaloo badan oo aanan qoraal kaga soo gayoon karin. Run ahaantii, waa nolol dhan oo aan qoraal lagu soo
koobi karin.

Hadaba waxaa is weydiin mudan, sidee lagu helaa qof wanaagsan? Inta aanan idiin far fiiqin qofka wanaagsan sida lagu helo ama dadka lagaga garto, aan ku weydiiyo su’aal. Guurdoonyahow dhowrsani maxaad ku dooran lahayd gacalka aad dooneysid xitaa
hadduu Rabbi idin gaarsiiyo 100 sano inaad iska soo ag toostaan?

Waa su’aal da’weyn oo dadka guurdoonka ah qaar badan oo ka mid ihi jawaabteeda saxda ah ay hareer maraan. Waa arrin inta badan qofka guurdoonka ah ay ka qariyaan wax yaabo kale oo dhalanteed ah.

Waa su’aal u baahan in uu qofka guurdoonka ah, waxbadan ka fiirsado jawaabteeda; islamarkaana uu isku dayo inay bal jawaabtiisu tahay mid guul u horseedi karta. Maanta waxaan joognaa wakhti ay noloshii isbeddashay, wakhti ay dadkii isku ekaadeen, oo qofka xun iyo kan fiican ay adagtahay inaad kala garatid, wakhti is aaminiddii ay yaraatay. Hadduu Rabbi idmo waxaan qormadaydan kaga jawaabi doonaa su’aalo dhowr ah, oo ay ka mid yihiin:

1. Maxaa la’iiga baahanyahay inaan noqdo inta aanan raadin qof wanaagsan
2. Sideen u doortaa gabadh wanaagsan, maxaanse ku doortaa?
3. Waa maxay calaamadaha lagu garto gabadha wanaagsan?

iyo weliba talooyin badan, oo ku aaddan sidaad u abuuri lahayd geed hadh weyn oo islamarkaana miraha kaaga baxaa ay yihiin kuwo macaan.
Qormadan, oo hadduu Rabbi idmo taxane noqon doonta, qeybaheeda horana aan wiilasha kula hadli doono ayaa waxaan u hibeeyey dhallinta Soomaaliyeed ee guurdoonka ah iyo wiliba qof kastoo jecel inuu yagleelo (dhiso)guri iyo sowjad (Xaas) sabab u noqota inuu ku naaloodo(raaxaysto) nolol ey farxad, xasillooni , deganaan iyo jaceyl ku dheehanyihiin .

Waxaa layiraahdaa,

”ما ذاق طعم العیش من لم یكن لھ حبیب یطمئن الیھ ویسكن

(Nolosha macaankeeda muusan dhadhamin qofkii aan laheyn xaas uu ku xasilo oo uu ku dego)

1. MARKA HORE INTA AADAN RAADIN QOF WANAAGSAN, ADIGU NOQO MID DHOWRSAN?
Isku day inaad noqoto qof dhowrsoon marka hore, qof Alle ka baqa, qof ku xiran diinta Alle.

Haku mashquulin inaad raadiso qof wanaagsan adoon taada marka hore wanaajin. Marka
hore wiilyahow noqo Maxammed dhowrsoon waxaad heleysaa Khadiijo dhowrsoone.
Qofkii wanaagsan wuxuu helaa qof wanaagsan, qofka xunna wuxuu helaa qof xun. Sidaa
daraadeed naftaada wanaaji Eebena ma dayici doono dedaalkaaga, oo wuxuu kuu sahlayaa qof dhowrsoon oo aad adduunyada raaxo kuwada noolaataan.

2. SIDEEN U DOORTAA GABADH WANAAGSAN MAXAANSE KU DOORTAA?

“Gabar dhawr tilmaamood ayaa sababa guurkeede
Midbaa quruxda loo guursadaa laguna goobtaaye
Midna magaca qooskey gashey guur ku mudataaye
Midna gunudda ey heysatuu kaa galaa damace
Midna waxaa gayaankaa ka dhiga garasho diimeede

Geelow (magaca qofka lala hadlayo) si gaara u ogaw tan u gadaaleysa”
Tuducyadan gabayga ah ee aan kor ku xusay, waxey tilmaamayaan ama micnaynayaan
xadiiskii nabiga (csw) uu kula dardaarmayey dhallinta guurdoonka ah.

Waxey tilmaameysaa inuu wiilku ahmiyaddiisa 1aad ka dhigo siduu u heli lahaa gabadh diin leh.

Quruxda: Quruxdu waa wax aan waligeed taagnaaneynin, oo waa wax tagaya. Waxaa kaloo la yiraahdaa quruxdu dhalaalka kore ma’aha ee waa midda qalbiga gabadha uu alle ku abuuray (Dhaqan wanaageeda, dabeecad wanaageeda, xaqdhowrkeeda, dhago nugeylkeeda (iwm).

Maalka: Maalku waa wax la heli karo lana waayi karo “abaar iyo barwaaqaa is xiga laba
ayaamoode, alllaylkiina waxaan joogin baa iman dharaartiiye”.

Nasabka: waxaa laga yabaa gabadhaad nasabka ku guursatay, in la helo mid kaloo kasii nasab iyo mansab wanaagsan, laakiin waxa kaliya ee haraya)ee aan dhammaaneynin waa qodobkan soo socda ee meel ku gunud.

Diin ku dooro: Gabadha diinta lihi waa tan garanaysa siday u gudan lahayd xaqa uu
ninkeedu ku leeyahay, siday u dhawri lahayd asraarta gurigeeda iyo nafteeda, carruurtana ugu barbaarin lahayd tubta toosan. Run ahaantii nin nasiib leh ayaa hela gabadh diin leh.

Gabadha diinta leh waa furaha nolosha. Waa qof adduunyadaada iyo
aakhiradaadaba kuugu kaalmeyneysa wanaaga. Lammaanahaaga ha ku qiimeyn
qurux keliya, ha ku xulan xoolo keliya, ha ku raacin reer keliya, ee ku dooro diin.

Hadduu Ilaahay ku siiyo gabadh diinna leh, quruxna leh waa mahad Alle, haddii aad
hesho gabadh diinna leh, xoolana leh waa mahad Alle, haddii aad hesho gabadh
diinna leh, reer magac lehna ka dhalatay waa mahad Alle, laakiin diintu hakuu noqoto shuruudahaaga midda ugu horreysa ee aad wax ku doorato, kedibna wuxuu
Ilaahay kuu raaciyo diin wanaageeda oo nasab, maal, iyo qurux ahna, ay kuu tahay
nimco dheeraad ah. Gabadh diin leh marka hore raadi, iyadaa laga helaa nolosha
raaxadeeda. Xadiis uu Abdullaahi ibn Cumar Ibn Caas warinayo buu nabiga (csw)
ku leeyahay;

“الدنیا متاع وخیر متاعھا المرأة الصالحة”

(Adduunyadu waa dhaldhalaal iyo raaxeysi yar, dhaldhlaalka iyo raaxaysigaa yarna
waxaa ugu kheyr badan haweeney saalixad ah oo wanaagsan) Shaacirkii wiilka guurdoonka ah la talinayayna waa tuu lahaa;

Haddaad dooni guri raaxaloo aan dhib kugu gaarin
Iyo guur wanaagiisa iyo gogol macaankeeda
Iyo gibil asturan oon rag kale gaarin aragiisu
Iyo hadalka oo gaabanoon dariska gaareynin
Iyo guud wixii aad fartaba gabar addeeceysa
Oon dibadda gaareyninoo joogi gurigeeda
Oo goorti aad fiirisaba garan muraadkaaga
oo gacan ku siinee haddii dhibi ku soo gaaro
Oo guulahey kaaga barin in uu ku guuleeyo
Oo goor walbaba raali ku ah guulle wuxuu keeno
Oo aan ganbiyo kala jecleyn gini midkaad siiso
Oon biilkii wuu go’ay laheyn amase wuu gaabtay
Oo guriga gole diin ka dhigi gebi ahaantiisa
Ku gardaadin guud ubadka oo diinta garansiini
Geellow waxaa laga helaa gabar taqaan diine
Kala garo wixii kugu gafiyo wixii gudboonkaa ah

AKHLAAQ IYO DHAQAN WANAAG KU DOORO: Waxaan joognaa xilli dhaqankii
wanaagsanaa uu sii gabaabsi yahay, xili akhlaaqdii suubaneyd ay god madow kusii
aroorayso, xilli xishoodkii iyo xayadii lakala dhaqaaqay. Waa lagama maarmaan
inaad akhlaaqda iyo dhaqankeeda ka eegto gabadhaad guursaneyso. Umaduhu
waxay ku dhisanyihiin akhlaaq iyo qiyam, haddey akhlaaq iyo beelaan qiyam way
burburaan, Xadiis uu warinayo Abu Saciid Al Khudriy oo uu ka warinayo Nabigu
CSW wuxuu inoo tilmaamayaa;
أ”كمل المؤمنین إیمان اً أحسنھم أخلاق ا“

(Dadka Mu’miniinta ah waxaa ugu iimaan dhameystiran, kooda ugu akhlaaqda
wanaagsan) Mar kale wuxuu nabigu leeyahay CSW

إ ”ن الن اَّس لَ می عْ ط وَ اْ ش یْئ اً مخَِ ینْرْ ا خ لُ قُ ح سَ نَ “

(Dadka lama siin oo looma hibeyn wax ka wanaagsan oo ka kheyr badan akhlaaqda
wanaagsan) Haddaad dooneyso gabar kheyr badan oo aad ku indho qabowsato, akhlaaq wanaag ku dooro.

Haddey gabari akhlaaq beesho yeysan gurigaaga soo gelin.

DABEECAD WANAAG KU DOORO: Dabeecaddu waa muhiim. Waa muhiim ineey
labada qofi isku dabeecad yihiin, dad is fahmaya oo nolosha isku si u arkaya yihiin.
Dabeecaddu waa qeyb ka mid ah is fahanka, labada qof. Haddey labada qof is
dabeecad fahmaan waxaa hubaal ah ineey nolosha inteeda kalena isku fahmayaan,
haddiise labada qof dad is dabeecad fahmaya eysan aheyn waxaa hubaal ah inuu
gurigaa ku dambeynayo burbur iyo kala haad.

3. WAA MAXAY CALAAMADAHA LAGU GARTO GABADHA WANAAGSAN?

Waxaa laga helaa inta badan masaajidda, maraakista diinta lagu barto iyo guri diinta
Alle saldhig uu u tahay

Waxaa lagu gartaa gabdhaha ay saaxiibada yihiin had iyo jeer oo ah kuwa diin leh
Waxaa lagu gartaa oo astaan u ah in ay had iyo jeer xijaabkii Alle ku waajibyeelay
xirantahay.

Waxaa lagu gartaa xishoodka joogtada ah. Waa gabar had iyo jeer xishood dheeraad
ah aad wajigeeda, socodkeeda iyo hadalkeeda ka dheehaneysid
Waxaa lagu gartaa qoyska ay ka soo jeeddo dhaqan wanaagiisa.

Haddey hooyadeed iyo aabbeheedba yihiin dad aan bulshada magac iyo sumcad sare ku laheyn oo aan bulshada wax qiima ah ku lahayn, waxey u badantahay ineey gabadhoodana wanaag badneeyn, sababtoo ah inta badan dhaqanka waa la iskaga daydaa.

Waxaa lagu gartaa markaad haasaaweysaan ineysan ahayn mid hadal kugu dardarta
oo afka ku goosata (Waa hadaadan xumaan kula hadlin)

Waxaa sidoo kale lagu gartaa markaad haasaaweysaan ineey tahay gabadh had iyo
jeer wixii Rabbi xadeeyay ee sharci ah, aan ku xadgudbin adna aan kaa ogalaan
inaad ku xad gudubtid.

Waxey caro awgeed isdaba martaa markaad kala hadasho wuxuu san Ilaah SWT
Raalli ka aheyn
Waxey kaala sheeykeysataa mustaqbal iyo sidii aad u yagleeli lahaydeen guri Illahay
raali ka yahay.

Waxey tix galisaa ehelkaaga iyo qaraabadaadaba.

Waxey ka ag fogaataa oo ku xajiimootaa dumarka caariyaadka ah. (Ineey dacwo iyo
diin u gudbineyso mooyaane)

Kuguma xirto inaad u dhigto aroos qaaliya, gawaari badan oo lagu galbiyo, qasri
qaaliyoo la dejiyo iwm
Haddey gaajeysantahay iyo haddey dharagsantahayba cabasho kama maqleysid, oo
waa gabar ku qanacsan wuxuu Alle siiyay. Waa gabar uu Rabbi qanaaco siiyay.
Gabayaagii xakiimka ahaa wuxuu yiri;

“faqrigu sidiisaba,
sacab madhan ka xeel-dheer,
qanacood ka sooftaa,
ugu daran saboolnimo”

Waxaa hadalkeeda, muuqeeda, socodkeeda, dharkeeda, asxaabteeda, meelaha ey
joogta had iyo jeer laga dheehdaa, laga dareemaa muuqaal uu Rabbi raali ka
yahay.

Iyo wiliba qaar kaloo badan oo uu wiilka dhowrsani maskaxdiisa dhowrsan ka dhex
heli karo.

4. TALOOYIN GOOS-GOOS AH OO U GAAR AH WIILKA GUURDOONKA AH

Garaadso intaadan guursan, u diyaar garow noloshaad dooneyso inaad abuurto.
Ha guursan hadaadan u heyn aqal iyo qalbi aad dajiso walaashaa
Iska fiiri qoyska ay gabadha ka dhalatay, hooyadeed, aabbeheed, walaaleheed iyo
wiliba saaxiibadeedba, sababtoo ah dadku waxeey isku yeeshaan saameyn aad u
ballaadhan.

Haddaad dooneyso guur xalaal ah, shukaansigaaga u mar waddo xalaal ah.
Ogow ninkasta wuu awoodaa inuu xaas guursado oo caruur dhalo, laakiin nin
kasta ma awoodo inuu xaaskaas iyo caruurtaas mas’uuliyadooda qaado
Haku dheeraan mudada aad gabadha wada sheekeysanysaan. Inta badan waxaa
dhacda in muddo intii la wada sheekeysto, oo xiisuhu dhammaado, kadibna la kala
dhaqaaqo.

Haddaad rabtid inaad waddamada reer galbeedka ku dhex guursatid, guurso gabar
ay u joogaan hooyo, aabbe iyo wiilal la dhashay, kuwaasoo bulshada dhexdeeda ka
maamuusan, ku leh magac iyo mansabba. Sababtoo ah dhulkaad joogtid waa dhul
dhib badan, waa dhul dumarka awood loo siiyay sidii iney iyagu ninka furi karaan
oo kale, taas oo sababtay shacbiyadda reer galbeedka, furriinku inuu ka marayo
60% (Boolkiiba lixdan). Nasiib xumo waxaa dhacday dumarkii muslimaadka ahaa
markey dhulalka reer galbeedka yimaadeen iney iyaguna is bedalaan, oo
dhaqankaa ku qancaan qayb yar, oo Ilaahay u naxariistay mooyaane. Sidaa
daraadeed waa gaashaan inaad guursatid gabadh hooyadeed, aabbaheed iyo
walaalkeed oo weliba bulshada sumcad ku leh, inaad guursatid.

Gabadha aad guursaneysid iyo adiga dhexdiina ku abuur geed hadh weyn oo
kalsooni la yiraahdo.
“Aas aaska guurkiyo
Aqal waxa adkeeyoo
Udubada u taagaa
Ogow waa kalsoonida

Haka welwelin waxaad siin lahayd iyo waxaad ku dhisan laheyd reerka marba
haddaad tahay qof raba inuu dhameystiro qeyb diintiisa ka mid ah, waayo Rabbi
baa kaa kafaalo qaaday. Xadiith Abaa Hureyra (RA) uu warinayo oo xassan ah buu
nabigu (SAW) ku leeyahay ;

“ ثلاثة حق على لله عونھم: المجاھد في سبیل لله ، والمكاتب الذي یرید الأداء ، والناكح الذي یرید العفاف“

(Saddex qof wuxuu Alle dushiisa waajib isaga dhigay inuu u kaalmeeyo: Qofka
Illaahay wadadiisa ku jihaadaya, Ninka adoonka ah ee raba inuu xoroobo iyo Ninka
guursanaya , guurkana ka rabo inuu ku dhowrsado)

Gabadhaad guursaneyso iska fiiri, ma haweenkii horee wanaagsanaa bey
waddadoodii heysaa mise kuwan maanta jooga ee nolosha xaqiiqadeeda ka leexday
bey jidkooda haysaa.

Waxaa la yiri berigii hore, saddex baa dumarka loo guursanjiray, saddex baa beddashay, saddex baase bi’iyay.

Saddex baa dumarka loo guursan jiray: (Waa saddexdda aan rabo inaad
lammaanahaga ku dooratid)

1. I dheh aan dhageystee, (waa xaas ku maqleysa oo ku addeeceysa oo dhego
nugul)

2. ii dhiib aan kuu dhigee (waa xaas hantidaada kuu dhowreysa oo biilkaad siiso
wixii looga baahanyahay ma’ahee inta kale kuu dhigeysa oo kuu keydineysa)

3. iyo iga dhal aan dhunkadee. (Waa xaas u diyaar ah iney dhasho awlaad oo
korsato islamarkaana ku faraxsan.)
Waxaa beddalay saddex: (Sadexdaana waa saddexdda aan rabo inaad kaga
carartid)

1. I dheh aan dhaqaaqee (Waa haweeney aan dhegba jalaq kuu siineyn oo markaad
la hadashaba irridka ka si baxeysa, haddaad wax u sheegtid iyo haddaadan wax
u sheeginba ay isku mid u tahay)

2. ii dhiib aan kaa dhaqdee (Waa haweeney biilkaad u dhiibtaba meel dhiganeysa,
oo haddey doonto reerkaba cunta la’aan ka dhigeysa, oo waxey gacanta ku
dhigtaba sanduuqa keydka (Saving account) u gaar ah dhiganaysa)

3. iyo iga dhal aan kugu dhibee (Waxaan u maleynayaa middan u danbeysa in ay
qurbojoogta waddamada rer galbeedka jooga ku badantahay. Waa haweeneyda
markaad is yara qabataanba dharka bannaanka kuu soo dhigeysa, oo guriga kaa
xiranaysa, oo caruurtaada kuu diideysa inaad aragtid. Haddaad isku daydo
inaad caruurtaada soo booqatana, askarta kuugu yeereysa. Waa iga dhal aan
kugu dhibee)

Saddex baase bi’iyay:

1. Dhego la’aan,
2. Dhaqasho la’aan
3. iyo Dhalmo la’aan

Inta aadan guursan ka istakhaareyso gabadhaad rabto inaad guursato. Hadda kuma
lihi adoon dedaalkaagii gudan Ilaah iska talo saaro, oo istakhaareyso, maya maya!
Istakhaarada iyo talo saarashada Rabbi waxaa lala yimaadaa markaad adigu marka
hore inta awoodaada ah dedaasho, oo aad la timaadid dhaq-dhaqaaqii lagaaga
baahnaa.

Ugu dambeyntii waxaan ku leeyahay gurigaaga ha ku aasaasin wax uusan Alle raalli
ka aheyn, sida inaad meelo ragga iyo dumarka kuwada kulmaan oo lagu heeso
kireyso. Arooskaagu waa inuu noqdaa aroos dad muslim ah leeyihiin, guri muslim
ah lagu aasaasayo, la rabo in gurigaa naxariista Rabbi ay asiibto. Si uu u noqdo
gurigiinu guri aad nolol raaxo leh kuwada qaadataan inta noloshiinna ka dhiman,
Eebana idin ka dhex abuuro oo idinku arsaaqo ubad aad ku indho qabowsataan.

ولله یقول الحق وھو یھدى السبیل

Maxamuud Suleebaan (Mubarak Hadi)
Mubarakhadi@gmail.com


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments