By: Mastar //  Jul 23 2012 at 8:23 pm //  891 Reads  // Wararka Somalia

Dowladda Somaliya oo tirada Xildhibaanada Baarlamaanka ka dhigtay 2,75 Xildhibaano

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Xubnaha Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa la go’aamiyay in laga dhigo 275-xildhibaan, kaasoo ahaa codsigii ka yimid Odayaasha dhaqanka ee shirka uga socda magaalada Muqdisho

Kordhinta Xildhibaanda oo ay codsaden odayaasha dhanqanka ayaa waxaa mudo ka doodayay Saxiixeyaash Roadmapka iyo Ambasdoor Mahiga waxana dooda inta badan ay ka dhacaysay khadka telefoonka madaama saxiixeyaasha ay ku kala suganyihiin meelo kala fog.

Ugu danbeyn saxiixeyaasha Roadmapka iyo Ambasadoor mahiga aya waxaay isku raceen in la kordhiyo xubnaha barlamanka somali lana garsiiyo ila 275.

Xiriir anu la sameynay mid ka mid ah Saxiixeyaasha Heshiska Roadmapka o ah Hogaamiyaha Ahlusunna Gobolada Konfureed Sh. Maxamed Maxamuud Yusuf Aw-libaax ayaa waxaa uu ino xaqijiyay in la kordhiyay xubnaha barlamanka somalia lana garsiyay ila 275 xubnood waxa uu intaasi ku daray in muhiimada ka danbeysay kordhinta xubnaha barlamanka Somalia ay aheyd khilaaf ka dhextagan beelaha somaliyeed kaas oo salka ku hayo qabki ay u qaybsan lahayeen qaybti uga so aday barlamanka iyo in la tixgaliyo dalabki Odayaasha dhaqanka ee aha in la kordhiyo barlamanka somalia.

Waxaa la filaya dhawaan in si rasmi ah lo shaciiyo kordhinta barlamanka somalia oo la garsinayo 275 xubnood.

Ugu danbeen waxaay ahayd bishi anu soo dhafnay marki Odayasha dhaqanka ay codsaden in barlamanka Somalia la garsiiyo 275 si lo kala badbaadiyo beelaha somaliyeed oo isku haysta xubnaha yar ee ku soo aday.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments