By: Mastar //  Jul 23 2012 at 11:52 am //  1,714 Reads  // Wararka Somalia

Odayaasha Dhaqanka oo qaarkood iskaga baxay Shirka Odayaasha Dhaqanka “Warbixin Xasaasi ah”

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Odayaasha Dhaqanka oo qaarkood caro xoog leh ka muujiyay shirarka uga soconaaya Magaalada Muqdisho, ee ay la-qaadanayaan Madaxda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, ayaa waxay amuurtaasi keentay inay iskaga baxaan shirka.

Odayaasha Dhaqanka ee Deegaanada Soomaalida oo si weyn uga carooday qodobada qaar ee ku jira Dastuurka Qabyo Qoraalka, ayaa waxay sheegeen inaysan dooneyn inay ka sii qeyb qaataan kulamada lagu dardar gelinaayo Dastuurka.

Odayaasha ayaa waxay cadaadis xoog leh ay kala kulmeyn Madaxweynaha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed, Raa’isal Wasaaraha Xukuumadda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane C/Wali Maxamed Cali Gaas iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Sidoo kale Odayaasha Dhaqanka ayaa waxay cadaadis xoog leh ay kala kulmayaan Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobe u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Dr Augustine Mahiga, kaasoo Odayaasha Dhaqanka ku cadaadinaaya inay Ansaxiyaan Dastuurka Qabyo Qoraalka.

Odayaasha Dhaqanka ayaa waxay soo jeediyeen in Dastuurka laga saaro qodobo badan oo khaldan oo ku jira, iyagoona sheegay haddii aan laga saarin inaysan ka sii qeyb qaadan doonin shirarka Odayaasha Dhaqanka.

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ah Odayaasha Beelaha Hawiye ee shirkana uga qeyb galaaya, ayaa wuxuu sheegay in maanta uu ka baxay shirka, sidoo kalana ay ka baxeyn Odayaal kale oo ka tirsan Beelaha Hawiye.

“Shirka waxaan uga baxay waxaa la fadhiyay muddo badan, dastuurka la wado waxyaabo badan oo ka qaldan ayaa jiran, awoon aan ku saxno ma laheyn, waxaa nala yiri idinka wax ma sixin kartiin, markii dambe waxaa u saarnay gudi 15-ka kooban, gudigaas waxay soo diyaariyeen in dhowr qaladaad oo masiirka umada aan lagu aamini karin, markii aan dhahnay dastuurka hala saxo waa nagala diiday” ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad.

Si kastaba ha-ahaatee waxaa jira khilaafaad xoog leh oo u dhaxeeya Madaxda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya iyo Odayaasha Dhaqanka, waxayna arinta ugu weyn ay ka taagan tahay waa Dastuurka, oo ay ku jiraan qodobo kahor imaanaaya Diinta Islaamka.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments