Ragow Kibirka Waa lagu Kufaaya Kaa hala Ogaaddo:
Waxaa la Sheegaa Nin la Oran jiray Carrab in Gabadh la dhalatay nin ka Soo doonay, Ka dibna Carab Uu dilay Ninkii ka Soo doonay gabadha , Waxaa la Sheegaa in Maalintii Danbe Carrab oo ahaa Ninkii Garadaradda ku dilay Ninka in uu ku Yirri: Allaha U Naxariitee Ismaaciil Mirre -”Ismaaciilow Gabay”, Ismaaciil Mirre oo Wax ka Ogaa Arinta Dhacday iyo Dhibaatooyin badan oo Reero is Wada Maandhafay ka Dhex dhacay-Ka dibna Ismaaciil Wuxuu tiriyay Gabaygan Caanka Baxay Ee la Baxay
Kulligood adoomaha rabboow qaybsha kibistiiye
Qof kastoo kabtiya ama kalaha ama kur dheer fuula
Bad kalluun ku jirra kollay ku tahay amase koob shaah ah
Ninba kadabkii loo qoray Ilaah wuu la kulansiine
Inaan ruuxna soo korodhsanayn kaa ha la ogaado
Ninkase koob nimca ah fuuqsadee kadin irmaan maala
In karuurka uu qubo horay kaafka ugu tiille
Killigiiba Reer-Hagar anaa kiin ah baa rogaye
Kamma Sugulle maankii sidii kuray carruureede
Kas xumaa hoddaye naagta way kala fogaayeene
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado
Lixda koos ee Reer Cali-gariye kaw iskaga siiyey
Kasi waaye wuxu waa qabaal waadna kabataane
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado
Kaysaha adduun Ina Amaan kuma qarraacnayne
Ragbaa keeno gali buu is yidhi waad u koraysaaye
Misna kama fileyn mana hadayn kii Israa’ilaye
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado
Af xakame karkabadii u ay iyo kulaylkiiye
Ka dambee Calluu yidhi intuu Kaaha guursadaye
Isna kaal u tumay weyn intuu kariyey waabeeye
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado
Kalmadduu lahaa Ina Galaydh kohay gadaashiiye
Kaarkuba ma joogeen hadduu keeno tuluddiiye
Baallacad kalyaha kuma jareen kii uu quudhsadaye
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado
Raguu muxumud waal raray haduu saanta uga kaadsho
Kulcad uma ay dileen oo hadana koor magaliyeene
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado
Cartan dhuurta kooraha markuu kor ugu laalaayey
Garaad Faarax dhay iyo karuur kala macaanaaye
Misna kala khadhaadhaa dhunkaal kulankii goobeede
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado
Adaa dunida kaligaa leh buu Koofil eersadaye
Kashiisaba ma galin wiilalbaa keebka kuu qabane
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado
Kaakici wadaadkii dagaal laguna kaalmeeye
Kumanyaal laguug duub cad buu keenay Beerdhiga e
Waxse kadabkii go’ay maalintuu kaday raggiisiiye
Kabaalkiisii baa jabay markuu kariyey Reer Kheyre
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado
Mid kuwaa ka dhigan baan arkoon kibis u laabneyne
Inta uu kashbacay oo kibroo kamman wan weyn yeeshay
Yuu niman karaamiyo colba leh kiish ka buuxsadaye
Kashib dhaha Adoomahoow naftii kii ladnaa gadaye.
|
|


Print
