Qiso layaab dheh oo dhex martay nin Muslim ah iyo nin Gaal ah (Aqriso)
Maalin maalmaha kamid ah ayaa waxaa xanuunsaday Imam Xasan Al-Basri. Kadib waxaa booqadho ugu yimid nin gaal ahaa balse dariska Imaamka ahaa. Ninkii ayaa markuu guriga Imaamka soo galay wuxuu dereemay ur, kadib ayuu Imam Xasan waydiiyay meesha uu urka ka imaanayo. Imaamki ayaa ku yiri: “Urkani waxaa keenay xanuun.” Markaasuu ninkii kujawaabay:
“Maya! Neeftan uraysa waxay u badan tahay inay ka timid suuli (musqul), una malayn mayo inay meel kale ka timid.” Ninkii ayaa Imaam Xasan kadib ku yiri: “Ilaahay dartii iigu sheeg meesha uu urkan xooga badan ka imanayo.
”Imaamkii ayaa fartiisa ku fiiqay dalool (god) kasoo baxayaan biyaha suuliga, kuna yiri ninkii dariskiisa ahaa: “Biyaha urka keenaya waa kuwa ka imaanaya suuligaada, ee soo galayo gurigayga. In badan ayaan isku dayay inaan hagaajiyo balse way ii suurto galu waysay” Ninkii gaalka ahaa ayaa naxay kadibna Imaamka ku yiri: “Oo maxaad iigu sheegi waysay inaan dhibkan kugu hayo”? Imaam Xasan ayaa ku jawaabay: “Waxaan ka baqay inaan dareenkaada dhaawaco.”
Ninki gaalka ahaa ayaa la dhacay dhaqanka suuban ee Imaam Xasan Al-Basri oo qaatay diintii Islaamka ahayd.
Ahmiyad: Hadaba ogaada inaad dhaqankaada shakhsiyeed aad wax kaga badali kartid dadka kugu dhow ee dariska kuu ah. Soomaalida ku nool dhulka qurbaha ee dariska la ah dadka gaalada wax badan ayay ka faaiidaysanayaan dhaqanka iyo mucaamalad waanga Imaam Xasan Al-Basri.
|
|


Print
