By: Mastar //  Jul 21 2012 at 2:15 pm //  6,215 Reads  // Fanka iyo Suugaanta, Wararka Somalia

Daawo Sawir: Xaalada Fanaanada Saada Cali Warsame oo aad u wanaagsan

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Waxaa si weyn u soo hagaagtay xaaladda Fanaanada weyn ee Soomaaliyeed Saada Cali Warsame, oo shalay galab shil baabuur ku gashay inta u dhaxeyso Magaalooyinka Galkacyo iyo Garoowe ee Gobolada Mudug iyo Nugaal.

Hobolada Saada Cali Warsame ayaa waxay xilligaan ay xaaladeedu caafimadeed ay tahay mid wanaagsan, waxaana laga soo saaray Isbitaalka Guud ee Magaalada Garoowe, oo xalay loo-dhigay dhaawacii fududaa ee soo gaaray.

Fanaanada ayaa waxaa la-geeyay Guriga Wasiirka Wasaaradda Haweenka ee Puntland Marwo Caasha Geele Diiriye, waxaana maanta ku soo booqday Madaxweynaha Puntland iyo qaar ka tirsan Golihiisa Wasiirada.

Madaxweynaha Puntland C/Raxmaan Faroole ayaa wuxuu sheegay in wax walba oo ku baxaaya uu diyaar uu ula yahay, dadkii dhaawaca ka soo gaaray shilkii baabuur ee ay shalay galab gashay Fanaanada Saada Cali Warsame.

Imaanshaha Fanaanada ee Deegaanada Puntland ayaa timid markii Fanaanada ay casuumaad ka heshay Maamulka Madaxweyne Faroole, oo iyagu u yeertay Fanaanada weyn ee Saada Cali Warsame.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments