Maxaa kala heysta Isimada Puntland iyo Madaxweyne Faroole?
Madaxweyne Faroole iyo Isimadda Puntland yaa u garniqi doona? Waa Faallo ka kooban 2- qaybood oo aanu ku eegi doono is qabqabsiga iyo khilaafka u dhexeeya qaar ka mid ah Isimadda Puntland iyo Xukuumadda Madaxweyne Dr. Cabdiraxmaan Sh. Maxamed Maxamuud (Faroole) waxaan faaladdan qaybta hore diirada ku saari doonaa Doorka Isimaddu ku lahaan jireen Puntland, Xiriirkii wada shaqayneed ee labada dhinaca ka hor khilaafka, kala qaybsanaanta Isimada & waxa khilaafka salka u ah,
Qaybta Labaad: oo dib laga so daabici doono waxaan ku eegi doonaa cida xaqa u leh inay soo magcaabaan Ergadda ansixinta Dastuurka iyo Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, dhaawaca khilaafkani u geysan karo doorkii Puntland ka ciyaari lahayd wakhtiga kala guurka DFKS, Kaalinta R/W Gaas, Saamaynta uu ku yeelan doono ismaan dhaafku labada dhinac iyo Saadaasha meesha uu sal dhigan doono ugu danbaynta? .
Doorka Isimaddu ku lahaan jireen Puntland.
Isimada reer Puntland waxay ku lahaayeen Deegaanadii loo yiqiinay woqooyi bari Soomaaliya (Puntland) door weyn waxay udub dhexaad u ahaayeen nabadii ka hana qaaday deegaanadaas wixii ka danbeeyey burburkii Dowladii dhexe taas oo u horseeday Deeganaddaasi inay noqdaan kuwo ay ka jirto xasilooni iyo Nabadgelyo la isku halayn karo ilaa laga soo gaaray 1998.
1998 waxaa dhidibada loo taagey Maamulka Puntland waxaana hormuud u ahaa dhismihiisa Odayaasha dhaqanka oo iyagu ka wada xaajoonayey qaabka awood qaybsiga iyo sida maamulka loo dhisi doono kadib markii lagu heshiiyey dhismihii maamulkaas Isimadu waxay yeesheen doorka u saraysa iyagoo metelayey Beelahooda waxaana awood loo siiyey inay iyagu soo magcaabaan Mudanayaasha Baarlamaanka (Hay’adda Sharci dejinta) oo iyadu wakiil ka ah Dadweynaha ilaa inta dalka laga hirgelin doono nidaamka Asxaabta badan waxa kale oo ay galaan gal ku lahaayeen soo magcaabid Golaha Wasiiradda.
Wixii ka danbeeyey unkidii Puntland Isimadu waxay lahaayeen saamayn badan inta badana waxay wada shaqayn fiican la lahaan jireen Xukuumadihii soo maray hogaanka Dalka sida Xukuumadii Madaxweyne AHN. Cabdulaahi Yuusuf Axmed, Maxamed Cabdi Xaashi iyo Gen. Maxamuud Muuse Xirsi iyagoo ka saacidi jiray shaqooyin badan halka Isimada laga siin jiray tixgelin loona ogolaa inay talada wax ku yeeshaan.
Xiriirkii wada shaqayneed ee Isimada & Xukuumadda Madaxweyne Faroole.
Isimadu waxay kaalin fiican ka soo ciyaareen doorashadii Puntland ee 2009 iyagoo ku cadaadiyey Xukuumadii wakhtigeedu dhamaadka ahaa ee Gen. Cade inaysan samayn wax mudo kordhin ah doorashadana ay ku qabato wakhtigeedi taas oo ay ku guulaysteen.
Doorashadii Madaxweyne Faroole kadib waxaa la filayey in uu sii jiro xiriirki wadashaqayneed ee sida caadada ah ka dhexeyn jiray Isimadda iyo Madaxtooyadda maadama aan weli loo gudbin nidaamkii Xisibiyadda badan dalkana weli lagu maamulayey habka wax qaybsiga beelaha.
4 maalin kadib doorashadii Madaxtooyadda iyadoo si weyn loo sugayo soo magcaabida Golihii Wasiiradda, Madaxweynuhu wuxuu ku dhawaaqay in aanu wax tixgelin iyo talo ah ka siin doonin Golihiisa cusub Isimada iyo odayaasha dhaqanka aysana wax shaqo ah ku lahayn arrimaha maamulka loogana baahan yahay inay faraha kala baxaan dibna ugu noqdaan doorkoodii dhaqanka talaabadaas oo Isimo badan ku noqotay weji gabax rajo beelna ku riday siyaasiyiin badan oo ka haystay taageero Odayaashooda dhaqanka rajo fiicana ka qabay in lagu soo daro Liiska Golaha go’aankaas oo horseeday wada shaqayn la’aan sii baahda.
Bilowgii Xukuumadda cusub waxaa gebi ahaanba istaagey firfircoonidii Isimadu ku lahaan jireen arrimaha Maamulka Madaxweynaha la soo doortayna waxaa ka go’nayd in hab maamul wax lagu wado taas oo u suurta gashay sanadkii u horeeyey wakhtigiisa hase ahaatee Isimadii (Golaha dhaqanka) waxay lagama maarmaan noqon waayeen kadib markii Xukuumadu maaro u weyday khilaaf beeleedyo ka curtay qaybo ka mid ah Gobolada Bari, Karkaar iyo Nugaal .
10th May, 2010 kulan ay ku yeesheen 32 Isim magaalada Boosaaso waxay eedeyn aan loo meel deyin dusha uga tuurin Xukuumada iyagoo ku sifeeyey inay tahay mid faashila ah, Dr. Faroole oo maalintaas safar dhulka ah uga soo baxay Boosaaso kuna sii jeeday Garoowe markii wax laga weydiiyey Eedeynta ay soo jeediyeen Isimadu wuxuu kaga jawaabay (Kuwaas iyaga iska daaye Awoowayaashood isimo ma so ahayn) qaar ka mid ah Isimadi soo saaray baaqaasi waxay wajaheen xarig iyo cago juglayn taas oo sababtay inay iskaga tagaan wadanka .
Isimada baaqaas wax ka soo saaray oo la xiray: Suldaan Jaamac Xasan Ibraahim (qabiilka: Absame deegaan ahaan dega Puntland- wuxuu aaday markii xabsiga laga sii daayey Kenya), Suldaan: Cabdulqaadir Ciise Axmed (qabiilka: Muuse Saleebaan- Xabsiga markii laga sii daayey wuxuu aaday London oo u horay sharci ugu lahaa)
Isimada baaqaas wax ka soo saaray oo cabsi darteed wadnka uga tegay: Suldaan: Maxamed Yuusuf Cabdi (qabiil: Cali Xijiijle hada wuxuu ku noolyahay Ustaria ), Beeldaaje: Cabaas Bin Jacayl ( qabiil: Ismaaciil Saleebaan – hada wuxuu ku sugan yahay Kenya) & Garaad Maxamed Aadan Finiin ( qabiil: Dishiishe- wuxuu aaday wadanka Kenya oo uu uga sii gudbay UK)
Wixii loo soo gaarey dhamaadkii 2010 doorkii Isimadu wuxuu noqday mid soo noolaanayey inkasta oo badi shaqadoodu ku ekayd Beelo la heshiisinayey hadana Isimada qaar ka mid ahi waxay xiriir fiican la wadaagayeen Madaxweynaha halka kuwo kale dibad meer ahaayeen.
Islaan. Ciise Islaan. Maxamed iyo Madaxweyne Dr. Cabdiraxmaan Sh. Maxamed.
Khilaafka soo kala dhexgalay Islaan. Ciise iyo Madaxweyne Faroole waa tusaale fiican oo loo soo qaadan karo wadashaqayn la’aanta ka dhexeysay Xukuumadda iyo Golaha dhaqanka iyo sida uu bilowgii Madaxweynuhu isugu deyey inuu meesha ka saaro kaalintii Dhaqanka.
Mudo yar kadib markii Xilka uu qabtay Madaxweynuhu waxaa lagu dilay Garoowe Marxuum ciidamada Amaanku waxay ku guulaysteen inay soo qabtaan gacan ku dhiiglihii una dhaadhicyaan xabsiga dhacdadaas kadib waxaa waan waan bilaabay Islaan. Ciise wuxuuna u kala dabqaadayey labadii Jifo (Qabiil) ee ay ka dhasheen Marxuumka iyo Gacan ku dhiigluhu isagoo rajaynayey in arrinta lagu xaliyo hab dhaqan.
Madaxweyne Faroole isagu wuxuu qabay fikir kaas mid ka duwan wuxuuna aaminsanaa in arrinta loo daayo dowladda iyo Maxkamadaheeda wixii ka soo baxana sidaa loo dhaqan geliyo, Gacan ku dhiiglihii waxaa la soo tagay maxkamada taas oo ku xukuntay dil Madaxweynuhuna wuxuu amray in la fuliyo xukunka Maxkamada sidaana lagu qisaaso.
Waxaa kulan ugu yimi Madaxweynaha Islaan. Ciise oo ka dalbaday in dib loo dhigo xukunka maxkamada lagana war sugo waan waanta uu ka dhex wado labada qolo (Fijooyinka ay ka kala dhasheen Marxuumka iyo Gacan ku dhiiglaha) kulan kaas wuxuu noqday mid la isku mari waayey sida ay xaqiijiyeen xubno joob joog ahaa gebogebadii Islaan. Ciise wuxuu ku yiri Madaxweynaha (idaa hawshaa aan gacanta ku hayo oo hayga tuurin koofiyadda) hase ahaatee Madaxweynaha oo looga bartay go’aan adayg wuxuu ku jawaabay (ha boodo koofiyadu haday rabto arinta Xukuumad ba gacanta ku haysa waana fulin go’aanka Maxkamadda) sidaana waxaa ku dhaqan galay oo lagu fuliyey go’aankii Maxkamada.
Wixii ka danbeeyey markaas Islaan. Ciise wuxuu fariisin rasmi ah ka dhigtay Tuuladda Xaas bahale lagumana arkin fagaarayaasha iyo kulamada caamka ah ee ay Dowladdu soo qaban qaabiso taas oo laga dheehan karay khilaafka, bishii Nov, 2011 Madaxweynuhu wuxuu ka soo saaray Xafiiskiisa Wareegto uu ku magcaabay raxan Isimo ah kuwaas oo loo xilsaaray inay soo afjaraan khilaafka raagey ee u dhexeeyey Beelaha (Cali Saleebaan iyo Cali Jibraahiil) Isimadaas waxaa Gudoomiye looga dhigay Islaan. Ciise sida ku cadayd warqadaas hase ahaatee arrintaas gebi ahaanba waxaa ka soo horjeestay Islaanka taas oo sababtay Gudigaas markii danbe in Gudoomiye looga dhigo Garaad. Saleebaan markii lagu guuldarastay in Islaanka lagu qanciyo inuu u hogaansamo igmadashada Madaxweynaha.
Ismaan dhaafka soo kala dhexgalay Madaxweynaha iyo Islaan. Ciise oo iyagu ah isku reer (Ciise Maxamuud) wuxuu samirsiiyey Ismo kale oo rajo weyn ka qabay inay Madaxweynaha la qabtaan Maamulka Isteerinka uuna ka siiyo talada qayb.
Kala qaybsanaanta Isimada.
Isimadii soo jireenka ahaa.
Beelaha ku midoobay Maamulka Puntland waxay leeyihiin Isimo soo jireen ah oo si meerta ah xilka uga soo dhaxlayey Awoowayaashood qaarkoodna waxay ku simanyihiin qarniyo iyagoo kala leh magacyo u gaar ah, waxay si isku mid ah u aaminsanyihiin inay yihiin iyagu kuwa saxda ah ayna muhim tahay in si gaar ah loo tixgeliyo aan lagu qasin Isimada cusub ee dib laga sameeyey.
Isimada Cusub.
Isimadii waxay noqdeen tusbax la furay Jifo kastaana waxay ku hamiyeysaa inay yeelato Isim u gaar ah waxaana soo baxay Isimo badan oo aan horay u jirin kuwaas oo qaarkood caleemo saarkoodu lahaayeen ujeedooyin badan, waxaanse la dafiri karin inay jiraan Isimo aan ahayn soo jireen kuwaas oo loo doortay si sax ah aanayna ka danbeyn ujeedooyin gaar ah laguna liibaanay oo umada ku dhex leh xushmad fiican mudadi ay joogeena muujiyey waxqabad la taaban karo Isimadaas oo taariikhdu xusi doonto kana geli doona baal dahab ah una horseeday wanaag Beelihii doortay iyo Guud ahaan shacabka reer Puntland waxayna isu arkaan Isimada cusubi inay la xaq & xeer yihiin Isimadii hore .
Kala aaminsanaantani waxay u horseeday Golihii dhaqanka kala qaybsanaan taas oo fursad u siisay Maamuladda inay hadba koox ku duulaan oo u adeegsadaan sidii ay kooxda kale ugu jebin lahaayeen ama ugu mucaaradi lahaayeen.
Khilaafka Isimadda iyo Maamulka.
Sidaa aan horay u soo sheegnayba markii hore ma ahayn xiriirka ka dhexeeyey inta badan Isimadda iyo Xukuumada Madaxweyne Faroole mid sidaa u sii weyn inkasta oo laga soo dareemayey mudooyinkan ka soo rayn hase ahaatee wuxuu cirka isku shareeray kadib markii ay soo dhowaatay Dowladda Federaalka wakhtigeedi Odayaasha dhaqankana Soomaaliyeed oo ay qayb ka yihiin kuwo Puntland na looga baahday inay shirweyne isugu yimaadaan Magaaladda Muqisho si ay u soo xulaan Ergooyinkii ansixin lahaa Dastuurka iyo Xubnihii Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.
Ergada Puntland.
Xukuumada Puntland waxay u dirtay shirkaas Ergo Isimo ah oo ka koobnaa 19 xubnood waxayna rajayneysay in Isimadaas dhamaantood lagu daro liiska ayna noqdaan kuwo rasmiga ah ee metelaya Puntland marka uu dhamaado shirku odayaashuna ay dib ugu so laabtaan Garoowe halkaasna ay ka bilaabaan hawsha xulida Ergada Dastuurka iyo xubnaha Baarlamaanka cusub si ay dowladu ugu yeelato galaan gal.
Hase ahaatee ergadii markii ay tageen Muqdisho waxay faragelin kala kulmeen DFKS dhamaantoodna laguma darin liiska Isimada Soomaaliyeed ee Shir weynaha ka qayb gelayey waxaase arrinta sii shiday kadib markii 4tii xubnood ee ugu jiray ergada ay so dirtay Puntland beesha Dhulbahante dhamaantood laga tegay oo la qaatay 4ta isim ee kala ah: Garaad Jaamac Garaad Cali, Garaad Saleebaan Garaad Maxamed, Ugaas C.llaahi Ciise Nuur iyo Garaad C.llaahi Soofe Duraan oo ahaa Isimo aanay isku feker ahayn Maamulka Puntland ahna Isimadii dhisay Maamulka Khaatumo talaabadaasi waxay si weyn uga caraysiisay madaxda Puntland oo iyaga qudhooda cadaadis ka haystay Ergadii ay u direen muqdisho oo Liiskii banaanka ka jooga tirada Puntland la siiyey iyo xubnaha ay diratay oo ahaa 19 waxa u dhexey farqi.
Soo Guryo noqodkii qaar ka mid ah Isimadii Puntland iyo Shirkii Istanbuul.
Kadib markii khilaafkii soo baxay Maamulka Puntland wuxuu ka dalbaday Ergadii (Isimadii) ay u soo dirsadeen shirka odayaasha dhaqanka inay dib ugu soo laabtaan Magaaladda Garoowe si loo sameeyo wadatashi halkaasna looga xulo Ergadda Dastuurka iyo Xildhibaanada cusub ee Soomaaliya waxaana Isimadii loo diray diyaarad gaar ah hase ahaatee waxaa dalabka Maamulka ka soo jawaabay 3 Isim oo ku jiray Liiska Isimadda Soomaaliyeed ee ay Dowladda Federaalku soo bandhigtay kuwaas oo kala ahaa:- 1) Sultan Saciid Sultan Cabdisalan Sultan Cali, 2) Suldaan Saciid Maxamed Garaase & 3) Suldaan Maxamed Cabdullaahi Cartan iyo Dhamaan xubnihii Isimada ahaa ee liiskaas iska arki waayey, Waxaana dalabkaas dowladda ka dhego adaygay dhamaan Isimadii kale ee Puntland kuwaas oo ku adkaystay inay joogayaan Muqdisho halkaasna ay ku dhamayn doonaan hawlaha looga baahan yahay sida Xulitaanka ergadda Dastuurka iyo Xildhibaanada cusub ee Somaliya.
Shirkii Odayaasha dhaqanka ee Turkiga.
Wadanka Turkigu wuxuu martigeliyey shir ay isugu imanayeen Odayaasha dhaqanka iyo xubno ka socday Bulshada rayidka shirkaas oo qaatay mudo 3 maalin ahayd waxaa Puntland xubanaheedii ku fariistay Isimadii ku sugnaa muqdisho talabadaas oo horseeday in Maamulku qaadaco shirkaas ilaa looga ogalaaday mar danbe oo shirku dhamaad ku dhow yahay 47 xubnood oo si gaar ah u metela Puntland.
Shiine Culay
Journalist
|
|


Print
