By: Mastar //  Jul 20 2012 at 8:35 pm //  1,352 Reads  // Wararka Somalia

Afhayeenka Gudiga Farsamada Saxiixeyaasha Roadmap-ka oo ka hadlay sida ay wax yihiin (Aqriso)

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Afhayeenka Gudiga Farsamada Saxiixeyaasha Roadmapka Dr. Cabdilweli Garbacune ayaa manta ka warbixiyay halka ay marayso howshi gudigaasi lo egmaday.

Dr. Garbacune ayaa waxaa uu shegay in howshi lo xilsaray Gudiga Farsamada ay meel ficaan u marayso waxaa uu shegay in ergadi ansixinta dastuurka la soo gudbiyay 100%90 hadana ay ku howlan yihiin sida ay ergadaasi ugu sameyn lahayeen bashash ki ay shirka uga qayb galilahaayeen.

Afhayeenka ayaa waxaa uu shegay in ay jirto qalab yaraan haysa shirkada samaysa kararka ama bashashka lagu galaayo shirweynaha ansiixinta Dastuurka Somalia waxana uu na intaasi raciyay in shirkadaasi ay awood u ledahay in malinti ay soo saarto (300) oo bash taas oo ka dhigaysa in mudo 3 bari ah lo xayirnado sameynta 825 bashashka ama kaararka.

Dr. Garbacune ayaa waxaa uu shegay in gudiga Farsamada ay ka kooban yihiin aqoonyahano qibradooda aad u sarayso oo ka kala yimid dal iyo dibad kuwaas oo ay ka go,antahay wax ka qabashada xaalada murugsan ee Somalia.

“‘Inta anu nimid waxaa na soo wajahay caqabad inoga timid dhanka Odayaasha dhaqanka ayadana wa la xaliyay kadib waxaanu qabanay shaqo la taban karo sido kale shaqada aan u hayno ummada Somaliyeed waxaay ku socon doonta si xowli ah ila la soo dorto Madaxweynaha Cusub ee Wadanka 20 Agousto” ayu yiri Dr.Garbacune.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments