By: Mastar //  Jul 20 2012 at 6:29 pm //  5,709 Reads  // Fanka iyo Suugaanta, Wararka Somalia

Wararkii ugu dambeeyay xaaladda Fanaanada Saado Cali Warsame oo gashay shil baabuur oo loo-maleeyay inay dhimatay

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Waxaa caawa Maqribkii soo shaac baxday inay dhimatay Fanaanada weyn ee Soomaaliyeed Saado Cali Warsame, kadib markii shil baabuur ay ku gashay duleedka Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal.

Fanaanada oo safar kaga timid dalka Zambia ayaa waxay ka soo degtay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Galkacyo, isla-markaana waxay safar dhinaca dhulka ah ay ku aaday Magaalada Garoowe, oo ay Maqribkii ku gashay shil baabuur.

Warar hore oo soo shaac-baxay yaa waxa ay sheegayeen markii hore in fanaanada ay geeriyootay kadib markii ay miyridoorsoontay loona qaatay inay geeriyootay, balse waxaa markii dambe la-ogaaday inay nooshahay.

Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda hobolada Saado Cali Warsame ayaa waxay sheegayaan inay ka jabtay gacanta midig, ayna qabto dhaawac culus oo jajab ah, waxaana lagu daaweynaayaa Isbitaalka Guud ee Magaalada Garoowe.

Wixii kusoo kordha kala soco wrarkeena dambe.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments