Beesha Shaanshi oo xilligaan dooneysa inay kaalin ka geysato siyaasadda dalka Soomaaliya.

Xaflad ay soo qaban qabiyeen jaaliyada Shanshi ee ku dhaqan magaalo xeebeeedka mombasa taasi oo ciwan keedu ahaa caleemo sar ay caleemo sareen gudoomiye cusub.
Gudoomiyaha ay soo doorteen oo lagu magcabo Muxidiin Awoo Maxamed gudoomiyaha la doortay oo isna halkasi ka jeediyay mahadnaq u jeediyay dadkii soo doortay ee kalsonida siyay.
Waxana gudoomiyahu uu sheegay inu wax badan ku soo kordhin doono jaliyaada dooratay ee u metelayo manta laga bilabo waxana u sheegay mudane Muxidiin inu isku xiri doono jaaliyada.
Isago sheegay inay jaaliyadan ay tahay mid wax badan ka qaban doonta wax kasta oo ay u bahan yihiin inay isku dubnadan waxna wada qabsadan.
Waxana ka soo qabayb galay ganacsato dhalinyaro iyo waxgaradka jaaliyada shanshi ee ku dhaqan magaaladan Mombasa ee dalka Kenya.
Waxana halkasi ka mid ahaa dadkii ka hadlay Dr Caydaruus Macow waxa u sheegay in uu ku faraxsan yahay sida fiican ee loo soo ababulay xafladan.
Waxana kalo isna halkasi isna ka hadlay abuukar xuseen oo isna hambalyay gudoomiyaha sheegayna inay la shaqayn doonan.
Waxa igana halkasi ka hadlay Aweys Maxamed Cumar, Caydaruus Maxamed Suufi iyo Sharafow waxayna dhamaantod shegeen inay ku dedalayaan sidi ay u garab istagi lahayeen gudoomiyaha cusub.
Isku soo wada duub oo xafladan ay qabsadeen jaaliyada shanshi ayaa waxay ku soo gebagebawday jawi qurux badan, iyado ay ku balameen xaflado kale oo ay isku xog waraysan doonan.
|
|


Print
