By: Mastar //  Jul 15 2012 at 8:19 pm //  7,520 Reads  // Wararka Caalamka, Wararka Somalia

Qof walba wuxuu lee-yahay afar xaas “Arin cajiib badan”

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Nin ayaa afar xaas qabay, aad ayuunwa udawa jeclaa. Mida afaraad ayuu ugu jeclaa, wax wanaagsanna wuu siin jiray, wuuna qurxin jiray marwalbo, mida 3aadna wuu jeclaa, aad ayuuna ugu faani jiray, marwalbo wuxuu jeclaa inuu tuso saaxiibadii, sidoo kale ta 2aad ayuu aad u jeclaa isaga oo ay u ahayd la taliye, wixii talo ahna ka qaadan jiray, balse wuxuu necbaa xaaskiisii koobaad, inkastoo ay iyada jeclayd.

Markii ay geerida ku timid ayuu xaaskii afaraad ka codsaday inay qabriga u raacdo, oo ay la dhimato. “Ha sheegin” ayay ugu jawaabtay. Tii sedexaad ayuu u tagay, sidoo kale ka codsaday inay raacdo, “war ma waalantahay, noloshayda ayaan ku haystaa, waana guursan markaad dhimato” ayay ugu jawaabtay.

Tii labaad ayuu u tagay, iyadoo sidasoo kale ka diiday, balse u sheegtay inay duugi doonto. Markaas ayuu wuxuu maqlay cod dhahayo “anaa ku raaci”. Markuu eegay ayuu arkay xaaskiisii koobaad, oo aad u dhuuban, rafaadna ka muuqdo. “Aleelahaye, inaan adiga ku dhaqdo ayay ahayd ayuu yiri.”


Macnaha sheekada:

Ruux walbo afar xaas ayuu leeyahay. Mida koobaad waa jirka, si walbo ood u dhaqaalayso, una qurxiso, markaad dhimato jirka wuu kaa tagi.

Tan labaad waa maalka iyo jagooyinka, markii aan ka dhimanno, dad kale ayay u gacan galaan. Tan sedexaad waa familka, si walbo oo ay noo jecel yihiin, markii aan ka dhimanno, waxa kale ay noo qabtaan waa aasidaa. Tan afaraad (ee ninkan iska indhatiray) waa nafta. Mar walbo waan iska indha tirnaa, dhaqaalo (camal) xumana ku dilnaa. Hadaba, kala baro xaasaaskaada.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments