Gorma ayay guusha raacdaa ruuxa Muslimka ah?
Nin Alle ka cabsi badan oo reer Banuu Israa’iil ah ayaa maalin maalmaha ka mid ah waxaa u yimid dad, dadkaas oo u sheegay inay jiraan beel cabudda geed oonan ka fogayn halka uu daganaa. Ninkii ayaa xanaaqay oo goostay inuu geedka jaro si aanan loo caabudin.
Faash ayuu qaatay, intii uu jidka kusii jiray wayaa waxaa ka hor yimid Shaydaan, kaasoo iska soo dhigay oday quq ah. Shaydaankii ayaa ku taqigii waydiiyay halka uu socdo. Wuxuu ku jawabay inuu u socdo inuu soo gooyo ged ay caabudaan dad aanan Ilaahay (sw) caabudin.
Shaydaankii ayaa yiri: “Geedkan maxaa kaa galay, maad cibaadadaada iska wadatid”? Ninkii ayaa ku jawaaabay inay goynta geedkaasi tahay cibaado nafteeda. Kadib buuq ayaa dhex maray labadoodii.
Gacan qaad ayaa halkii ka dhashay, taas oo keentay in dhulka la dhigto oday shaydaanka ahaa. Kadib ayuu ninka ka korkacay odaygii shaydaanka ahaa. Kadib ayuu oday Shaydaan yiri: “Ilaahay waajib kaaga ma dhigin inaad geedka jarto, wax ajir ahna ku waayi maysid hadaadan jarin iminka.
Haddii geedkan in la jaro ay tahay, Ilaahay ayaaba waajib oga dhigi lahaa Rusushii badnayd ee uu soo diray.” Hase yeeshee ninkii ayaa ku adkaystay inuu geedkaasi jaro. Dagaal ayaa dhexmaray taqigii iyo oday shaydaan. Waxaa mar labaad dhulka la dhigtay oday Shaydaan.
Markii la sii daayay ayuu oday Shaydaan yiri: “Aan heshiis noqono. Maadaamo aad faqiir tahay, maalin wlabo waxaan ku siin 3 dirham oo dahab ah. Maalin walbo waxaan kuu hoos dhigi barkintaada. Halkaas kala bax.
Kadib wax ku qabso lacagtan, oo dadka baahan eed taqaanana wax kasii. Sidan ayaa dhaanto inaad geedka jarto. Hadii aad ajir heli, lacagtan adigana wax ku qabso, dadka baahanna wax ka sii. Ajir badan halkaas ayuu ku jiraaye.” Ninkii ayaa taladii oday Shaydaan qaatay. Labo maalin ayuu helay 3dirham oo dahabka ahayd. Maalintii sedexaad ayuu waayay. Markaas intuu xanaaqay ayuu faash soo qaatay si uu u jaro geedkii.
Jidka wuxuu kula kulmay odaygii (Shaydaan), markaas ayaa la waydiiday halka uu u socdo, deedna wuxuu ku jawaabay inuu rabo inuu soo jaro geedkii. Dagaal ayaa ka dhexdhacay labadoodii, waxaana dhulka la dhigtay ninkii taqiga ahaa. Wuxuu la yaabay tabar darrada ku dhacday, kadibna wuxuu oday Shaydaan waydiiyay halka uu ka keenay xooga uu dhulka ku dhigtay. Oday Shaydaan ayaa ku jawaabay: “Maalin hore xanaaqa ku hayo Ilaahay dartii ayuu ahaa, taas ayaana keentay inaad I lagdato, balse iminka xanaaqa ku hayo waa mid aduunyo iyo lacag raadis. Sidaasi darteedna ayaad ku tabar daraysatay.”
Fiiro: Ninkii tii Ilaahay sw oo kaliya ay wado ayaa guul hela.
Xigasho: “Ixyaa Culuumuddin” ee Imam Ghazzali
|
|


Print
