By: Mastar //  Jul 15 2012 at 4:05 pm //  2,620 Reads  // Article & Opinion, Wararka Somalia

Shariifyadu tiro badanaa misna showr xumaa, shido iyo kushubasho badnaa

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Qof walba maalin ayuu tariikh katagaa ama waa mid markii la soo xasuusto farax iyo reyn reyn lawada galo iyo waayo waayo midna waa uur kutaalo xanuun badan oo aan sheegadeeda la jecleysan taa eey ku larantahay geeri iyo gaajo ,qax iyo cabsi hadaba marxalada uu dalkeena maraayo iyo dadka hogaankiisa kuloolamaya ayaan la dhihi karin taariikh wanaagsan ayey soo wadaan.

Hadaan u soo laabto qormadeyda maanta aan ku eegaayo dadka hogaanka u haaya maandeeqdaan mar meel lagu qalaayo kuwaa oo kala ah Labada Shariif ee shilin doonka ah,ina Cabdi rashiidkan shaarka cad, Shiikh aweyskan shidada jecel iyo Shabaabkan Shahaadadooda kaliya sax mooday oo aan dhihi karo kuligood waa isma dhaanto iyo dhashood.

Hadaad u fiirsato dowlada labada Shariif iyo ina Cadi rashiid ayaa maalin walba is heeysadkooda dhamaan shacabka geedaha hoostooda dhaxanta iyo gaajadu kudilootay aan u diir nixin lakin Su’aasha aan mar walba is weydiiyo waxa eey tahay Shiiq Abdulkadir Cali Cumar iyo Shiiq Cabdiraxman Janaqoow waa arkaan in taangi shisheeye lagu dhuumanaaye meey dadkooda u damqadaan meey ducufadii lixdii bilood eey gargaarka iyo xumaanta kadul qaadeen isku soo dumaan oo guryahooda ku soo celiyaan kana dhax baxaan daaliminta sidaa dowlada mooday oo xilka xabaal u joogana iska tuuraan.

Mar walba eey dowlada labada shariif dibadaha u socdaalayaan waxaa ku dhinta magaalada muqdisho tobaneeyo dhaawacana daa haddalkiis waayo manaxa wajiga duuban markuu hoobiye aan xanuun laheen ku rido shisheeyaha aan nixin ayuu madaafiic wa weyn ku asqeeya suuqa bakaro ileen waa meeshi eey shacabka isha ku hayeen oo quutul yoomka geeridu ku laran tahay taalay.

Hadaad u fiirsato Shiikh aweyska shidada jecel oo aan qurmo magaceedu yahay *iqixisaye maxaad iiga daba qaxday misna ii qixineysa* aan todobaadka soo socdo aan kulafa guri doonaa hadafkiisa aan ula jeedka laheen iyo hamiga kursi jaceelka ah.

Hadaba shabaabkaan shisheeyaha shanta qaarad kasoo kala cararay oo aan wax dal ku gal ah wadankeena kusoo galin ayaa mar walba dhalintii yareed is dhaaf u jara aqoonyahankiina dila waana kuwo aan wanaag laga sugeyn waligood inta eey caqiiqada iyo dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed ka been sheegayaan.

Waxaan dhihi lahaa dhalin yarada Somaliyeed iyo aqoonyahanka qurba jooga ah in eey u kacaan sidii loo badbaadin lahaa Hashii Maandeeq ee aan daraadeed u weynay geesiyaal iyo wax garad badan maantana wax magarad Soomaali ah oo shisheeye gadaal kataagan yahay hadba meel aan ku habooneen ku lagda.

Ugu dambeyntii waxan Alle ka baryayaa in uu naga leexiyo Laba shariif shidadeey shacabka ka galeen walad cabdallaha eey la showreen iyo kala Shubashada ina cabdi rashiid iyo dhag ugu sheegida xaamudka Jabuuti Yaabnaye, shiikheeyno ma ina Aweysbaa,dhalinteeno ma shabaab baa,shicibkeeno maceelasha xerteenu ma shiishyahan baa.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments