Dagaalo xoogan oo ay iskaga hor yimaadeen Xoogaga Shabaab iyo Ciidamadda Itoobiya
Dagaalo xoogan ayaa waxay dhex mareyn Ciidamadda Dowladda Itoobiya iyo Ciidamadda Xarakadda Al Shabaab, waxayna dagaaladaan geysteen khasaarooyin xoogan oo la-sheegay in loogu geystay Ciidamadda Itoobiya.
Ciidmadda Dowladda Itoobiya oo shalay ka soo baxay Magaalada Xudur oo ku sii jeeday Degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool, ayaa waxaa wadada dhawr mar u galay Xoogaga Shabaab, waxaana Ciidamadda Itoobiya lagu khasbay inay dib ugu laabtaan Magaalada Xudur.
Labada dhinac ayaa waxay dagaalada xoogoodu ay ku dhex mareyn Deegaanka Aqab Daloole, oo u dhaxeeya Magaalada Xudur iyo Degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool, isla-markaana shacabka Deegaanka ayaa waxay sheegeen in labada dhinac aysan waxba iskula harin, balse mar walba si kedis ah rasaasta loogu bilaabaayay Ciidamadda Itoobiya.
Xoogaga Shabaab ayaa waxay qoriga baashuukaha ay la-heleen gaari Uuraal ah, oo ay saarnaayeen ilaa 30 askari oo Itoobiyaan ah, isla-markaana waxaa la-sheegay in khasaaro culus uu goobtaasi ka soo gaaray Ciidamadda Itoobiya.
Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab Afhayeenka Ciidamadda Xoogaga Shabaab oo ka hadlay dagaaladaan, ayaa wuxuu sheegay in Ciidamadda Xarakada Al Shabaab ay shalay cashar layaab leh u dhigeen sida uu sheegay Ciidamadda Itoobiya.
Saraakiisha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ee Gobolada Baay iyo Bakool ku kala sugan ayaan ka hadlin dagaaladaan, oo soo noq noqday khasaaro culusna loogu geystay Ciidamadda Itoobiya sida ay sheegeen shacabka ku dhaqan Deegaanka Aqab Daloole.
|
|


Print
