Madaxweyne Shariif oo sheegay inuu Waajib yahay in la-meel mariyo Roadmap-ka “Sababtu Maxay Tahay”?
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wuxuu arin Waajib ah uu ku tilmaamay in la-meel mariyo Roadmap-ka, isagoo dhinaca kalana sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay taageeraan.
Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa wuxuu shalay uu Magaalada Muqdisho uu ka sheegay, inay Waajib tahay in la-meel mariyo Roadmap-ka, maadaama uu ku sheegay in uu yahay mid xal u ah Soomaalida.
Madaxweynaha ayaa wuxuu tilmaamay in Roadmap-ka looga baxaayo sida uu yiri Xilliga Ku Meel Gaarka ah, isagoo intaasi ku daray haddii aan la-dhaqan gelin Roadmap-ka inaysan Soomaalidu ka baxeynin sida uu sheegay Ku Meel Gaarnimo.
Haddii Ku Meel Gaarnimada la-doonaayo in laga baxo ayaa wuxuu Mudane Shariif Sheekh Axmed uu sheegay, in dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay taageeraan sidii lagu meel marin lahaa Roadmap-ka.
Qaramada Midoobe oo iyadu wadata Roadmap-ka ayaa waxay sheegtay in looga baxaayo Xilliga Ku Meel Gaarnimada, si Soomaaliya loogu sameeyo Dowlad buuxdo oo Caalami ah, in la-doonaayo inay ka baxdo Xilliga Ku Meel Gaarka ah.
|
|


Print
