By: Mastar //  Jul 15 2012 at 7:47 am //  1,379 Reads  // Wararka Somalia

Maxaad ka taqaanaa daafacyada caalamka ugu qarashaadka badan ee lagu soo iibsaday (Aqriso)

  • Share
  • Comments
  • Print Print


Akhiristayaal maanta waxaan idin soo gudbinaynaa Taariiqda ay ku leeyihiin Daafacyada Ciyaaraha Yurub oo sahashay in Qiimo badan oo lagu iibsado.

Tariiqda Iskoorka Daafaca ugu lacagta badan ee Difaac lagu iibsado lacag badan waxaa uu ahaa Rug cadaaga Wadanka ENGLAND ee Reo Ferdinand oo Manchester United ay kula soo Wareegtay 42 Million.

Kadib Ciyaaryahanka Labad ee lacag intaa lagu gato waxaa uu noqday Thiago Silva oo kooxda PSG ay ku qaadatayn 42 Million uguna tagay kooxda AC Milan.

Hadaba waa kan Liiska Ciyaaryahanada Daafaca ee lacagta ugu badan lagu iibsaday.

Thiago Silva PSG(42 Million) waxaa uu gu biiray kooxda PSG isagoo kayagay kooxda Milan Sanadka 2012 da.

Reo Ferdinand. Manchesterunited (42 million):

Kooxda Sir Alex Fergusen waxay jabiyeen rikoorka suuqa kala iibsiga ciyaartoyda qaasatan daafacyada kadib markii ay sanadii 2002 naadiga Leeds United 42 million kaga soo iibasadeen Reo Ferdinand waxaana uu noqday daafaca ugu qaalisan dunida ee lacag intaas la’eg lagu soo gato.

Thuram Juventus (33miilion):

Marwada duqda ah ayaa sanadii 2001 waxay udhaqaaqday ineey soo iibsato daaficii birta ahaa ee kooxda Parma Lillian Thuram,.

Pepe Realmadrid(30 million):

Naadiga Realmadrid ayaa soo iibsatay pepe oo lagu naaneeso Dameer Farowga reer portugal sanadii 2007 waxuuna 30 million kaga soo dhaqaaqay Fc-porto isagoo kamid noqday Realmadrid.

Ricardo Carvalho Chelsea (28.5):

sanado kahor 2004 naadiga Fc-porto ayaa lacag aad ufarabadan ku iibisay mid kamid ah daafacyadeeda ugu fiicnaa oo ahaa Carvalho waxaana sanadaas loo doortay daafacii ugu wanaagsanaa dunida, Carvalho ayaa horay usoo raacay tababarihiisii xiligaas ee Jose Mourinho kaasoo qabtay xilka tababaranimo ee Chelsea.

Alesandro Nesta Ac-milan (27.4 million):

Naadiga Ac-milan ayaa sanadii 2002 waxay lacag aad ufarabadan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda kaga soo iibsatay daafacii qalbada dhexe ee naadiga SS Lazio Nesta waxayna kusoo qaadatay lacag dhan 27.4million.

Sergio Ramos Realmadrid(27 million):

Si ay udaboosho baahida dhanka daafaca ayaa Realmadrid sanadii 2005 waxay udhaqaaqday ineey lasoo saxiixato daafacii kooxda Sevillia Sergio Ramos,xiligaas Ramos waxa uu ahaa 19sano jir balse sevillia bixitaanka ramos kama aysan dhigin mid fudud ilaa ay Real kadhiibto 27 million.

Walter Samuel Realmadrid(24 million):

Samuel waxa uu kamid ahaa daafacyadii ugu qaalisanaa ay soo iibsato, Raelmadrid ayaa sanadii 2004 waxay 24 million Rome kaga soo iibsatay Walter Samuel.


Disclaimer: The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of management and owner of MARKACADEY.net. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.

comments