Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday goorta ay qabsaneyso Magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose
Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ayaa waxay maanta ku dhawaaqday goorta ay qabsaneyso Magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxayna sheegtay inay xoog uga saari doonto Xoogaga Shabaab.
Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya oo ay kaabayaan Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom, ayaa waxay ku sii dhawaanayaan Magaalada Marka ee Xaruunta Gobolka Shabeellaha Hoose, waxayna xilligaan ay u jiraan kaliya 40km.
Taliyaha Guutada Lixaad ee Ciidamadda Militariga ee Dowladda Mudane Tuuure Iidow Cariif oo maanta la-hadlay Warbaahinta Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday mudada rasmiga ah ee ay qabsanayaan Magaalada Marka.
“Waxaan maanta shaacineynaa in todobaadka soo socda aan la-wareegi doono gacan ku heynta Magaalada Marka, waxaan rabnaa in shacabka ku dhaqan Magaalada Marka ay sidaasi ula socdaan inaan u soo dhaw-nahay, oo aan ka dul-qaadi doono cadowga ay laheysta-yaasha u yihiin” ayuu yiri Mudane Tuuure Iidow Cariif.
Sidoo kale wuxuu sheegay in Ciidamadda Dowladda iyo Ciidamadda Amisom ay xilligaan ku sugan yihiin Deegaanka Lambar 50, isla-markaana wuxuu sheegay in 40km oo kaliya ay u jirto Magaalada Marka.
Iskusoo wada-duuboo Mudane Tuuure Iidow Cariif ayaa wuxuu sheegay in todobaadka soo socda ay hubaal tahay, inay la-wareegi doonaan sida uu sheegay Magaalada Marka, oo ay dadka Somaliyeed u yaqaanaan Markacadey.
|
|


Print
